BALIGUBADLE MEDIA
Cabdicasiis Samaale Oo Ka Hadlay Khilaaf La Sheegay Inuu U Dhaxeeyo Madaxweynaha La Doortay –
November 27, 2017 - Written by admin

muuse iyo samaaleHargeysa(BLM):-Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale haatanna ka mid ah saraakiisha xisbiga Kulmiye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha la doortay.

Md Samaale ayaa sheegay inaanu jirin khilaaf dhex maray madaxweynaha la doortay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Maalintii guddida doorashadu ay ku dhawaaqeen natiijada waxaanu ku sugnayn goobta aniga iyo hogaanka xisbigu halkaas ayaanan ka diray hambalyada mudadii maalintaas ka dambaysayna wax hadal ah maan jeedin, runtiina waxa iska badan wararka been abuurka ah , qofkuna haddii aanu xishoonayn wax walba wuu samaynayaa, qofkuna in wixii uu doono iska yidhaahdo ceeb ka wayni
ma jirto..”ayuu Cabdicasiis Samaale oo la hadlay Eryal tv.

Md Samaale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay jirin meel uu kala hadlay madaxweynaha la doortay waxaanu yidhi “Meel aan kala hadlay madaxweynaha ma jirto, dadkii hawshan wax kala qabtay ayaan ka mid ahaa, intayadii la qabatay iyo intii codka siisayba way u ducaynayaan waanan u hambalyeynaynaa, sabab aanu isku qabanayna meesha ma taalo, dadka warxuma tashiilka ah ayaana waxaa faafinaya, markii guushu dhalatay ayaa qofkii ka naxay is yidhi halkeed dagaalka iyo weerarka ka bilawdaa, waxbana arintaas kama jiraan.”

Cabdicasiis Samaale ayaa ku taliyey in lala shaqeeyo madaxweynaha la doortay waxaanu yidhi “Somaliland waxay taagan tahay marxaladii madaxweynaha la doortay lala qaban lahaa wixii somaliland u dan ah oo kii ka codeeyey iyo kii u codeeyeyba ay gacmahha isqabsan lahaayeen, wararka noocaas ahina wax ka soo qaad ma leh.”

 

Baligubadlemedia

 

COMMENTS