BALIGUBADLE MEDIA
Axmed Cali Muuse oo Ka Hadlay Koox Afka Ganacsatadda iyo wadaadadda Ku Hadashay oo Guddi Ku Dhawaaqday
November 12, 2017 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Siyaasi axmed cali muuse ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ganacsatadii danyarta sixir bararka ku keentay ay inta ay warbaahinta soo istaagto baaq amniga iyo doorashadda ku saabsan ka hadlaan

axmed cali muuse oo maanta warbaahinta kula hadlayay hargeysa ayaa sheegay inuu aad ula yaabay koox ganacsato ah oo habeen hore warbaahinta ka hadlay kuwaas oo baaqyo is barkan u kala dirayay komishanka, axsaabta iyo ciidamadda

axmed cali muuse

ugu horayn axmed cali muuse oo arintaas ka hadlayay ayaa sheegay in ganacsatadaasi oo shirka ay qabatay aanu ahayn mid ay u dhamaayeen dhamaan ganacsatadda somaliland iyo wadaadaduba balse uu ahaa shir ay soo abuuleen koox gaar ah oo danno badan ku qabtay xukuumaddan sii dhacaysaa waxaanu sheegay inay ahayd in marka hore ganacsatadaasi ay u naxariistaan danyarta ay sixir bararka iyo saxaruirta ku rideen balse aanay ahayn inay maanta intay u baqeen hantidooda aanay ka hadal amniga iyo doorashadda

waxa kaloo xusid mudanbuu yidhi axmed cali muuse in kooxdaas ganacsatada ahi ay u badnaayeen kuwii ay ku maqnayd hantidii umaddu sida warshadda laydhka, haamaha shidaalka, warshadii sibidhka, maxjaradda,  bangiyadda qarsoodiga ah iwm waxaanan idiin soo jeedin lahaa hadaa dadka u baqaysaan wixii umadda ka wada dhexeeyay ayaad kaligiin wada qaadateen ee hadii aad umadda dan ka leedihiin wixii aad hore uga qaadeen usoo celiya ee umaddu wada lahayd.
mar uu ka hadlayay wadaadadana wuxuu sheegay in kooxdaas wadaadada sheeganaysay ee shirka joogtay ahayd xubno hore ugu dhex milmay siyaasadda islamarkaana laftarkoodu ku takri falay lacagtii abaaraha ee danyarta loogu dhiibay.

isku soo wada duuboo axmed cali muuse wuxuu ganacsataddan ugu baaqay inay hoos u eegaan dadka danyarta ah kahor inta aanay ka hadal xaaladda amniga iyo doorashooyinka waxaanu guddi ay u magacaabeen arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda hadda lagu jiro ku tilmaamay komishan kale oo ay ka barbar fureen komishankii hore oo lagu magacaabo komishanka danaysatadda iyo sixir bararka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS