BALIGUBADLE MEDIA
Axmed Cali Muuse oo Ka Digay Daandaansi Siyaasadeed oo Kornayl Muuse Biixi iyo Beeshiisu Ay Ula Yimaadeen Beelwaynta Arab
November 8, 2017 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Siyaasi Axmed Cali Muuse oo Kamida Hogaankii Sarre ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ayaa Ka Hadlay Qorshe Daandaansi siyaasadeed ah oo ay Ula Yimaadeen Beelaha Arab kaas oo ku aadan inay si hagar la’aan ah ugu codeeyaan xisbiga kulmiye xilli ay maalmo koobani ka hadheen doorashadda

axmed cali muuse

axmed Cali Muuse oo warmuritiyeed uu soo saaray soo gaadhsiiyay Xarunta Baligubadlemedia ee Hargeysa ayaa kornayl muuse biixi xusuusiyay inaanu iloobin xaalka isaga iyo beesha arab dhexyaala ee ama siyaasadda ama dhaqaale ah oo ay kamid yihiin lahaanshihii beeshu muruq iyo maalba galisay xisbiga kulmiye mulkilayaasha xisbigana ay kamid ahayd ee ay daaqada ka tuureen isaga iyo beesha ay hagbadda wada leeyihiin ee siilaanyo taas oo ah hantaaqadii ugu waynayd ee loo gaystay beesha halkaana ay saamigeedii ku wayday oo ay hagbadaa labadda gacmooda ka dhigteen waxay beeshu go’aansatay in xisbiga kulmiye aanay waxba u oolin

islamarkaana aan cod dambe ka galin iyadoo ay jirtay  arrintani ayaanu sidoo kale ognahaya hagardaamoyinka kale ee iyagu ogyihiin ee ay mudooyinkan u dambeeyay u gaysteen beesha

sidaas la ajligeed waxan aad imika wadaan maaha wax la idinka aqbali karo idina waa ogtihiin  halkaa wax dhigteen anagana halkaasuunbay noogu dhantahay mana aha in xilligan aynu isku soo lu’gono

siyaasadda 20-ka cisho ee u dambeeya waxba la iskama aqbalo waananu idin kala hanwaynayn in wakhti xaadirkan aad noola timaadaan wax aan dinwaanka siyaasaddaba ku jirin.

ninkii jabuuti kula garamay ergadda  la diray ee inaadeerkii muuse maalgaliya ee ina awsiciid ee aan gabanayn ee badheedhay ee sida cad aanu isku ognahay wuu is garanayaaye waxaanu aad iyo aad ula yaabnay inuu haddana somaliland gudaheeda fariimo na doorta ah noogu soo diro, hadii aad arrimahaas aan isqabanayn ee aad isku waddo ee wax rag iyo rabitoona loola tago aan ahayn gacanta kala bixi waydo waxaad ka heli doontaa jawaabta aad xaqa u leedahay inbadanbaad mu’aamarad ka badbaadee tani waa tii u dambaysay ee aad samayso mana fulayso

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS