BALIGUBADLE MEDIA
13-Ka November 2017, Maalin Masiirkaagu Uu Fartaada Magan U Yahay
November 4, 2017 - Written by editor

Umaddaha Qaatay Hanaanka Dimoqraadiyadu, Maalinta Coddaynta waxay ugu yeedhaan maalin ay awooda dawladeed ay shacabka gacmihiisa ku laabatay, maadaama, ay siyaasiga kursiga imanaya ay farttoda ku go’aaminayaan, waxaanay maalintaas fartooda kula xisaabtaan kuwii ay teeramkii hore doorteen wixii ay u qabteen, iyo sida ay u maamuleen awoodii shacab ee ay u dhiibeen, markaas, ayaa waxaa timaada in kuwii ku guuldaraystay inay oofiyaan balantii shacabka ay kursiga ka tuuraan, iyagoo dooranaya kuwo cusub oo ay wacad cusub la galaan.

Hadaba, shacabka reer Somaliland, waxay sanadkii 2010-kii, bishii juun 26-keedii, rabitaan shacab oo farta dadweynaha loo maray kursiga ku saareen Xisbiga KULMIYE iyon Hogaamiyahoodii AXmed Siilaanyo, iyagoo si dimoqoraadiyadi ku dhisan tahay

u gelbiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigii UDUB, oo ay isaga laftiisa sanadkii 2003-dii codkooda Kurisiga ku saareen iyagoo uga hiiliyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga KULMIYE ee haatan sii galbanaya , inay midna saaraan, midna eryaan ma ahayn wax ku salaysnaa muxibo iyo kalgacal ay cid isaga qaadayeen shacabku, ama nacayb ay cid u hayeen, ee waxay ahayd  wax ku salaysnaa qiimeynta waxqabadkooda, barnaamijyadooda siyaasiga ah, iyo oofinta wacadyada ay galaan sida midkasta uga soo baxayay, amaba uu kan kale uga haboonaa tayo ahaan, koox ahaan, xisbi ahaan iyo aqoon ahaanba.

Mar kale iyo,Giiraanta wareegta ee silsiladda taariikhda, Akhristaha muwaadinka ahoo, 13-ka November 2017, waa maalin kale oo awoodu ay gacantaada kusoo laabatay todoba sanno kadib, waxaana cod kaa wada doonaya kuwii kusoo xukumayay tan iyo 2010-kii, ee cashuurtii aad bixisay baabuurta cadcad ee lagu raaxaysto ku iibsaday, kuna dhistay qasriyo lagu raaxaysto oo aad u qurux badan,  kuwii dhaca hantida qaranka iyo tan cashuur-bxiyaha muwaadinka ah xalaashaday, kuwii in badan oo ubaxii dalkan ah (dhalinyarada) rajo la’aanta dhigay ee aakhirkii ku khasbay inay tahriib ciirsi bidaan iyagoo nolol doon ah, kuwaasoo in badan oo ka mid ahi ay badaha iyo saxaaraha ku hoobteen, in badan oo kale oo ka mid ahina ay jeelal ay ku dayacan yihiin ku jireen oo dunida dacaladeeda ah, isla markaana aan haysan cid u dooda,   iyo dhinaca kale, oo ay codka kaa rabaan  kuwo aanad horey u tijaabin, oo iyana maanta taariikhda iyo fartaada uga Magana inaad tijaabisaan, oo fursad siisaan, waa labadaas qolo kuwa aynu kala dooranayno ee aynu awoodeena dawladnimo u dhiibanayno shanta sanadood ee soo socota.

Xasuusnow, Akhrisha sharafta badanow, Labo mid uun bay noqon doontaa, Inaad kuwii ku dayacay, u hibayso fartaada si ay ku sii dayacaan shanta sanadood ee soo socda, maadama, aanay is bedelin oo ay kuwii uun yihiin, iyo inaad doorato qolyaha cusub oo aad fursad siiso shanta sanno ee soo socda, si ay u muujiyaan farqi ahaan waxa ay kaga gedisan yihiin kuwii ka horeeyay, adigoo, kuwaas laftooda, kula xisaabtami doona, kuna abaal marin doona shan sanno kadib shar iyo kheyrba wixii ay la yimaadaan, ee taariikhdu u keydisay.

Gunaanadkii, waxaan leeyahay, Muwaadin, ogow, aayahaaga danbe iyo masiirka dalkaagu wuxuu ku jiraa halka aad fartaada mariso 13-ka November 2017, tii ilaahayna waa meel, waxaanay aniga ila tahay in la gaadhay waqtigii Xisbiga KULMIYE la sagootiyi lahaa, qolyaha cusubna fursad loo siin lahaa inay la yimaadaan wixii bogaga taariikhdu u weelayn lahayd.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii; Hussein Mohamed Mohamoud (Hussein-Lucky)

Email, husseinlucky@hotmil.com

Burco

COMMENTS