BALIGUBADLE MEDIA
Muwaadin Wakhti Kuuma Hadhin (Dr Daacad Alle Yaqaan)!
October 21, 2017 - Written by editor

Waxaynu maanta taaga-nahay, dhuguc-iyo dhagac iyo la isuma joogaantii, nin waliba intii ordi karaayey buu cagaga kala bixinayaa, mid quwaax hela mid qadhoon hela, mid iskaba qadda, maalin baa ka hadhay intii, uu ninba wuxuu isla hayey, gole keenaayey, ee ay ololihii doorashadda uu dhaqaajinaayey xusbiba itaalkii, mid been kuu sheega iyo mid run sheegaba, hadda ba aloo ban baxay, in kabaha loo gashado inaka ( Waa shicibkee), oo af macaan la inagu maalo, huu-haa iyo wax aan horeba uga soo quustay, waxa beretamaaya, ina Biixi oo reer walba af-lagaadeeyey, ah ninka xanuunka ku riday Madax-weyne Siilaanyo, xoolihii ummadda haysta

illaa 20 guri oo ummadu leedahay ( hantidda Guud ah), bal xaguu ka keenay, isaga oo cumaamad yar madax ku xidhan buu soo galaye ( Ninka sidaa isaga oo gudoomiye xusbi sheega-naaya u haysta hantiddii ummadda), hadhaw sidee buu u ilaalinayaa, markuu noqdo Madax-weyne, waa wax aan jirin.

Muwaadin cadkii wayna dhamaaday, ee iimaan-koon cawarayn iyo cidaamkay ina fayaw, intaynaan calaw qaadin u codeeya mucaarid. Murti aynu ka dhaxalay, awoow-yaasheen, baa waxa ay ina odhanaysaa,  Inkastuu durdur iyo dabaal galo, doofaar abidkii ma daahiro? waa kaad ogayd uun, oo wax-ba iskama bedelin, sidiisii buu weli geeska dheer u taagayaa, oo meelahaa duguf-dugug-leeyaa, cid walibana waa taqaan in aan cad xalaali ku oolin, isna waxaabu dadka uga ordayaa malaha waabay ku cuni doonaane ka carar, saw markaa laba kala fog maaha, waxa cayn-kaas ka dhigan Xusbiga kulmiye, oo weli is leh rajo baa kuu hadhay, oo cid baa ku rabta. waxan doonayaa in aan Madax-weyne Siilaanyo idhaaho, khayr Alle ha kus iiyo Iyo caafimaad, waanu og-nahay ka illaahay ka sokaw xanuunka kugu riday, ee aad ummadda uga shaqayn kari wayday, aabo-se waxa la yidhi ayax teg eela reebye, koron-koro baad noo sii aastay, aan dhuux iyo lafo midna aan hambaynayn, akhristaw Allii joogay baa jira, Ina biixina maalmaa u hadhay intuu rajadda ka qabay, waxay-se kaabiga soo saartay, ayaantii gacanta laga qabanaayey. waa iska sidaase, waxa ayaamahan wadanka ku wareegaaya, labadii askari, ee shaadkii mujaahiddinta aan kuu soo sheegi doono dhaxlay, ee Xusbiga Kulmiye yidhaaha anaka baa hor kacna, oo olole ugu jira iska dhaadhicin ah, kuwaad taqaaneen ma nihin ina leh, iyadda oo xusbiyaddii mucaaridka madaxdooddii la xidh-xidhaayo, ku dheeraan maayo ee halkan hoose ka akhri tixdan aan hadeer unkay:-

Bulsho yahay cadayn hoo, cajeb iyo wareer badan,
Soo saartay ciraddii,  Igu dhigay cibaaradan,
Cad-kayggii gilgilayoo, caynka aan u eegaba
Culays iyo la yaaba leh, baan cayn ka duugaye,
Caqli-gaaga hoo geli, inay kuu cuntamayaan,
Wakhtigaa is caabiya, midba caynad keenaa,
Calcal-yadda xareediyo, abaar iyo colaadiyo,
Caydhiyo mid hodaniyo, kuwo cudurku daashaday,
Mid caruustay gabadhiyo, kuwo caanad aan hayn,
Cuudba haybsa-naynoo, calal uu xidhaa jirin.

Afartaa cod-kayggii, murtidaan cabiri jirey,
Cisigeedi iga qabo, ka higaadshay caynka’e.

Dar calaacalaayoo, cawayskii u jooga-ba
Wejigiisa cidiyuhu, camamkii ka jeexaan,
Cadibeen ayaamuhu, kuwo ciirta dhamayoo,
Caanaha haleeladda, haduub culan ku maaloo,
Intuu daajay cosbkii,calooshoodda dibiradda,
la ciyaara weilgood, barwaaqadda cantarayoo,
Inay cidiba nooshahay, cindigiisa gelinoo,
Keliggii cawaandiya, nina aanu celinayn,
Siduu caadil uu yidhi , caqiidaduu inoo dhigay,
Midna aan cisaynayn, cawaanoo wax garanayn,

Afartaa cod-kayggii, murtidaan cabiri jirey,
Cisigeedi iga qabo, ka higaadshay caynka’e.

Cishaddii timadaa,  deris weeye cusubiyo,
Casharo aan dhamaanoo, ibtilooyin curiyiyo,
Cimiladda aduunyadu, ogaw gelinba waa cayn.
Ceeryaan habaas-liyo, siigadda cartamaysaa,
Casarba reero duminoo, qaar kalena cirkaa geyn.
Waxa jira cishooyinkan, Kii cararay maantii,
Cadawgeena lays helay, calqadahay samays-teen,
Cirka lagaga soo degay, adin yahaw bal ila carar,
Cakuyeydu yeedhee, Cooflaha libaaxiyo,
Shabeel caga madoobaa, ciiddii baneeyeen,

Afartaa cod-kayggii, murtidaan cabiri jirey,
Cisigeedi iga qabo, ka higaadshay caynka’e.

Waagoon cadaan weli, Burco ceelal-keeddii,
Caynaba dhan-keedaa, ilaa calaha buur sheekh,
Axmed Mire Col-kiisii, gawraceen cadceed iyo,
Kabtan faalso cunihiyo, carrabkii ay gooyeen,
La jiid jiiday ciiddii, Camalkiisi uu helay,
Dhanka caasimadu tahay( Hargaysa),Dhega weyne uu cunay,
Cayayaankay  buuxsheen, waxay ciidan dhoobeen,
Cuurkii is biirsaday ( 26aad), caymadeen dhamaantood,
Cali Samatarkii iyo, moorgankii cidhbaha wadhay,
Mayd-kooddii cashariyeen, Calan ay dul saareen,
Ninkii cararay maantaa, nimankii cabsoodee,
Caymaday dharaartaa, Saaka calanka lulayoo.
Mid aan ciidan loo dirin, Ina Biixi caqli gab,
Caaradhuuba aan ridin, oo caytamaayaa,
Curad sheegta haatane, bal cawaaqibkaa daya,

Afartaa cod-kayggii, murtidaan cabiri jirey,
Cisigeedi iga qabo, ka higaadshay caynka’e.

Ina kaahin caqli ma leh, cuqdad baa dhaamaysoo,
Kob cagaar leh weli iman, baa ciidsan maantoo,
Wixii geesi can baxay, dabar jaray cadaawaha,
Halyeyggii Maxamed Cali, Lixle caawa maqanyiin,
Habaniyo col kiisii, intuu ciijay Koodbuur.
Cabdiraaxmaan maxamed Case, caynaanki koosaar,
Cududdii Xuseen dhageere’iyo,ma cabsoodihii ina macalin haaruun.
Wixii curad na soo maray, caad nagama saarnoo,
Maanta cidi ma sheegtoo, dad-keenaa ah caynkaas,
Caalihii baqanayiyo, cidla midan ka qaateen,
Ciil kama koriibaa, hadda calan waleeyoo,
Kii caytamaayaa ( ina biixi), talinaaya caawee!

Afartaa cod-kayggii, murtidaan cabiri jirey,
Cisigeedi iga qabo, ka higaadshay caynka’e.

Hadal isaga ba aiska badan, maanta maaha ayaantii ay kuwa ina hortaagani ay gacanta sare lahaayeen, inaka ( waa muwaadiniinta’e aniga iyo adiga), baa ay taladu gacan-teena ku jirtaa, saw maaha markaa in aan u hubsano, oo aan ku fara-adaygno, mustaqbal-keena oo cid ina wadi karta, sidda kuwan aan shanta farood-ba wax ku murdinayn, hoos dadkan iyo dalkan u eegga, shaqo u sameeya dhalin-yaradda, ee aan lahayn na dhaafa, maatadan goor ugu dambaysay, wax ay calaaliyaan aanay jirin cid sheegi kartaa, saw maaha in aan iska qabano, oo aan doorano Xusbiga Mucaaridka ah, ee lagu dareeray, tuugtan ina dhameeyey waa in aan gacanta ka qabanaa, oo nidhaahnaa na wadda dhaafa, wuu dhamaaday wakhtigii-niiye. Waxan ku soo xakameeyey tixdan, mar uun buu daf soo odhan, nabsigi diigu soo sidaye, diriyadda habaaska ah, mar baa doog ka soo bixiye, maruun buu daboolka iska rogi, doob la quudh-sadaye, iska doogsin cararaay, mar baa daydo ay curane.

Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan
daacad1512@gmail.com

COMMENTS