BALIGUBADLE MEDIA
Muwaadin Hadmaad Xoroobi, Qabta: 2aad W/Q: Atoshe
October 24, 2017 - Written by editor

Mudadaa 27 sano ah ee ay Soomaalilaan madaxbanaantay waxa ku gadaafnaa dhibaatooyin dhaqan-dhaqaale, kuwaas oo wakhtiba heer taagnaa. Hadaynu dib u jaleecno xukuumadii u horeysay ee Soomaalilaan ee uu hogaanka u hayeen Cabdiraxmaan Tuur iyo Xasan Ciise waxay la kulantay oo caqabad ku noqday qabyaalad iyo qaybsanaan ku yimid beelahii markii hore ku midoobay ururkii SNM, taasoo dhalisay in aakhirkii dowladii Cabdiraxmaan Tuur is casisho. Dowladii Cigaal gadhwadeenka u ahaa iyana waxay la kulantay isla caqabadii qabyaalada, taasoo markii dambe sababtay dagaalkii sokeeye ee aadka loogu hoobtay. Waxa wax lala yaabo ah in beeshii markii hore ku midowday

urrukii SNM ee xabada dhan u wada ridaysay ay makay guushii gaadheen iyagu qorigii iskula jeedsadeen. Arinkani wuxuu tusaale cad u yahay in bahasha qabyaalada la yidhaa ay tahay sida BASASHA oo kale, isla markaana aanay lahayn meel ay ku joogsato, kalana kaxayso walaalaha dhabta ah.

Hadaba, miyaanay maanta ayaan daro weyn, liitinimo iyo tacabkaa khasaar ahayn in aynu mar labaad cagta saarno wadadii 1994 burburka, dhimashada, qaxa iyo  kadeedka kala kulanay taasoo ah qabyaalada iyo qaybqaybinta bulshada dhawr iyo labaatanka sano darmada nabada ah kuwada fadhiday!!

Wixii la isku gubay
Wixii la isku dilay
Wixii dambi dhacay
Ka digtoonoow
Dab hulaaqay noqotee

Muwaadin macnaha doorashadu waxa weeye inaad doorato hogaamiyaha aad u aragto inuu baahiya guud ee dalka yaala wax-ka-qaban karo, sababtoo ah hadii danta guud hagaagto danta gaarka ahina way hagaagaysaa. Tusaale ahaan, maanta dalkeenu wuxuu la il daranyahay shaqo la’aan, sixir barar xadhkaha goostay, biyo la’aan, caafimaad xumo, wado la,aan IWM. Waxaan odhan karaa meel kasta oo maanta Soomaalilaan la taabtaa waa boog u baahan daawaynteeda. Hadaba hadaanad mabda’ aan ahayn reernimo ugu codayn hogaamiyaha aad codka siinayso, oo aad codkaaga siiso isaga oo lagaga haboonyahay kursiga ogsoonoow inaad adigu masuul ka tahay in Soomaalilaand dhibkan ku sii jirto.
Abkuu doono ha sheegtee
Wuxuunbaa ehel ii ah
Dadka kaan af aqaano
Ee si wax iila arkaaya
Ee na midayso ujeedo
(Abwaan: Gaariye AHN)

Awoowyaasheenii hore waxay ahaayeen dad xaruuriyiin ah oo qabyalaada iyo qabiilka aan dheefaafin xad la isla yaqaan, laakiin maanta dadka joogaa waxay u dhaqmaan sidii dad aan ehel iyo xidid toona ka dhaxayn. Muwaadin ogoow in bulshadeenu tahay dad jiidh wadaaga oo aan sina ukala maarmin. Sidaa darteed xeeri walaalnimada iyo wada dhalashada. Waxa inaga dhexeeya ayaa ka badan waxa aan kala leenahay. Ku olalee daganaan, ixtiraam, tixgalin, iyo wadaniyad. Ha wiigin walaaltinimada iyo wax wada lahaanshaha.
Galool mudhay oo farcamay
Dhuddaa goonyaha ku fiday
Hadday kala gaar yihiin
Guntay ka midaysan yihiin.
Haddaad Garas diiddan tahay
Ku koob dirirtaada Garas.
Ha nicin gobolkuu ka yimi!
Ha giijin xadhkaa ha jarin!
Ha goyn waxa laysu yahay!
(Abwaan: Gaariye AHN)

La soco
atosheelmi@yahoo.com

COMMENTS