BALIGUBADLE MEDIA
Mujaahid-nimo Somaliland Shirkii Burco Ee 1991 Ayey Ku Bedelatay Muwaadin-nimo
October 27, 2017 - Written by editor

Waxaan halkan kusoo gudbin doonaa Maqaal jawaan u ah hadalada barabogaan dada iyo been abuurka ah ee gacan kurimiska ah ee ayka midka yihiin Photoshop ka iyo Videos Cilpka Xaqiiqda kafog ee samayska ah ee ujeedooyinka qaldan laga leeyahay ee faashilka ah iyo Jalaafooyinka ay Maleegayaan Musharaxa Muuse Biixi iyo kaadiriinta Xisbiga Kulmiye, ee ah Xisbi hebel ayaa Midnimo doonaya oo Xamar laga taageeray iyo Beel heblaayo ayaa Xamar inagu wada iyo Arimaha noocan ah ee bulshadu ka ilbaxday oon maanta lagu beer laxawsan karin oo Masuuliyiinta Kulmiye waagii beryaba Social Media lasoo taagan yihiin iyo Mujaahid sheegashada aan bulshada ka iibsamayn ee hore loosii tijaabiyey.

/>
Hadaba Akhriste Masuuliyiinta kulmiye ee Filmada moocan ah bulshada ugu soo cel celiyaa waxay ilawsan yihiin in Xubno Hogaanka sare ee KULMIYE ah oo uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibeda Maxamed C/Laahi Cumar uu bishii hore mudo wiig ah kusugnaa Mugdisho isagoo kulamo gooni-gooniya layeeshay Guudahaanba Masuuliyiinta ugu sar sareeya Dawlada Soomaaliya Gaarahaan Madaxweynaha, Raysal-Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare,
Waxa uu kala xaajoonayeyna ay ahayd Midnimo Soomaaliweyn, Xildoonasho ugaara iyo Xulafaysi, Xodxodasho iyo Gogol xaadhka Xidhiidh dhexmara xukuumada cusub ee Xisbiga Kulmiye kadhalan doonta iyo xukuumada cusub ee soomaaliya.

Waxase wax lala yaabo ah in Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasiga Guuldaradu laderiska tahay ee Cali Guray ay doonaya inay bulshada indhaha Caad kaga xidhaan oo ka qariyaan Masuuliyiinta ay isku haybta hoose yihiin ee xilalka usareeya kahaya Soomaaliya ama Shan iyo Tobankii Sano ee udanbeeyey isu bedbedelayey jagada Raysal-wasaare kuxigeenka Soomaaliya een maalin qudha cidku eedaysay jirin Qabiilka iyo Qooyska aykasoo jeedaan iyo sidoo kale Isaga iyo Xisbiga Kulmiye midna.

Halka ay waagii beryaba saxaafada iyo Social Media lasoo taagan yihiin ama kusoo celceliyaan qaar beri xilal kasoo qabtay oo ay Musharaxa Xisbiga Waddani isku hayb ahaayeen oo dhintay iyo qaar katanaasulay Mawqifkii Somaliweyn ee ay aamin sanaayeen kadibna lacafiyey oo xaq uleh inay wax doortaan iyo in ladoortoba.

Halka dhigooda mawqifkaa la aamin-sanaa ay maanta katirsan yihiin hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye iyo qaar dhintayba, cid hadal haysa mawqifkii ay shalay aamin sanaana aanay jirin.

Welise shaqsiyaadka ay Musharaxa Xisbiga Waddani isku haybta ahaayeen Ilaa maanta beesha ay kasoo jeedaan iyo Xisbiga ayka tirsan yihiinba ladoonayo in lagu takooro ama lagu xajiimeeyo Mawqifkaa shaqsiyaadka ku egaa, taasoo ladoonayo in lagu deedafeeyo laguna duudsiyo masiirkooda iyo xaqa ay kuleeyihiin dalkooda.

Waxayse ilawsan yihiin kornaylada Mujaahidiinta sheegta ee sadbursiga ku doonayaa ee maanta ku Ololaynaya mujaahidbuu ahaa way garanayaan in beelaha ay Soomaliland nimada iyo Mujaahid nimada ay iska xigsiinayaan ee ay Xamar buudoonayaa iyo dacaayado raqiiska ah ku xajiimeeyaan inay 12 Kii aag ee SNM lahayd 5.5 in kabadan shan aag iyo badh ay iyagu gaar u lahaayeen inta kalena Isaaqa kale ahayd.
Inta Sarkaal iyo Mujaahid kaga dhimatayna aanay cid aykaga dhiman jirin.

Waxa kaloo ay ilawsan yihiin kornaylada Mujaahid nimadu madax martay ee waxku doonayaa in kelmadaa Mujaahid Shirkii Burco ee 1991kii lagu soo dhisay Soomaliland lagu bedelay kelmada ah Muwaadin,
Oo maanta beelo badan oo Somaliland-nimadu iyaga la,aantood ay Isaaq Land noqon lahayd ay ka xanaaqaan kana soo hor jeedaan kelmadaa Mujaahid xaqna ay uleeyihiin.

Waxaa kaloo ay ilawsan yihiin inaan Xisbiga Waddani Garxajis iyo laba beelood toona aanay lahayn ee uu ka dhexeeyo beelaha Somaliland oo dhan oo lawada leeyahay.

Waxay ilawsan yihiin in Musharax kastoo soo baxaa in aanu Xisbi gaara iyo qolo gaara toona Madaxweyne u noqonayn ee uu dalka oodhan Madaxweyne unoqon doono hadii Alleh yidhaa.

Sidaa darteed waxaa haboon in aad Musharaxa aad wadataan sifiicanĀ  oo bilaa turxaan ah aad dadka iyo dalka uga iibisaan uguna qancisaan idinkoon sanka kagelin, isagana aan godob u abuurin maantaba waxa halkaa dhigay waa afxumo iyo wuxuu hore ugeystay.

Wabilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Dalka Garmalka
Ee Xisbiga Waddani
Hassan Mataan
kowdubad@gmail.com>

COMMENTS