BALIGUBADLE MEDIA
Isir Sidaha (DNA)
October 24, 2017 - Written by editor

Beesha Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe), waxa ay ka mid ahayd beelihii ilbaxnimada iyo xadaaradda laga bartey. Khaliijka carbeed iyo Hindiya, ayay xidhiidh ganacsi la lahaanjirtey. Maraakiibteeda ayaa xeebta Somaliland iyo xeebaha dalalkaas iskaga gooshi’jirtey.

Beesha oo horumarkaas iyo badhaadhahaas ballaadhan ku tallaabsatey, ayuu dagaal sokeeye soo foodsaarey. Colaadaas ehel, oo iyada iyo beesha ay walaalaha yihiin ee Yeesif Maxamed ay markii hore isku hirdiyeen, ayaan labadooda oo kali ah haddana ku ekaanin

Beelihii kale ee Habar Toljecle ayaa dagaalkii soo galey, oo dhinacii Yeesif ayay la soo safteen. Muddo nus qarni ku dhawaad ah markii la isgaraacey, ayaa aakhiritaankii beesha Aadan-madoobe

lagaga adkaadey; oo lagu jabiyey.

Dagaalkaas oo badhtamihii qarnigii 19aad bilaabmey, oo dhammaadkii isla qarnigaasna lagu kala calafqaadey, ayaa beesha Aadan-madoobe si xun loogu bara’kiciyey. Afarta jihood ayay u kala jabtey. Dhulal aan deegaankeedii ahayn, ayay u kala qaxdey.

Teeda kale, beesha Aadan Maxamed Abokor intaas uun lagu’ma deynin e, dagaal qabow ayaa haddana lagu qaadey. Tashwiish ayaa lagu furey. Borobogaando iyo magac’u’kala bixin, ayaa lagu kala qeybiyey. Waa’na la sii kala fogeeyey. Kala qarin beesha dhaxdeeda ahaydna, waa loo sii raaciyey.

Tabihii dagaalka qabow waxa ka mid ah:

1- Magaca Toljecle

Beelihii markii hore la isku odhanjirey Habar Toljecle ama Toljecle, ayaa kala qaxii beesha Aadan-madoobe ka bacdi, magacii iyagu iska baddaley oo Habar Jecle la baxey. Aadan-madoobihii dhinacan galbeed u soo firdhadey, ayaan iyagu magacoodii Toljecle iska xoorin, oo sidooda aan ka diga’roganin.

Sababtu waxa ay ahayd, naceyb ay kuwii soo bara’kiciyey ay u qabeen, iyo iyaga oo dhagaha loogu ridey in aanay toljaceylka aanay habarjaceyl ku doorasanin. Taasina tab iyaga iyo Aadan-madoobihii kale ee Habar Jecle lagu kala qarinayey, ayay ahayd.

Khiyaamadaasi waxa ay socota’ba, waa’ta keentey muranka ah: in aanay Toljecle iyo Habar Jecle aanay isku mid ahayn, oo ay kala laba beelood yihiin. Waa’na ta midnimadii beesha Aadan Maxamed Abokor, mugdiga sii galisey.

2- Magaca Axmed Sheekh Isxaaq

Magacan Axmed Sheekh Isxaaq waxa uu baxey qarnigii 20aad, oo Alla ha u naxariisto’e Sheekh Ismaaciil Daraawiish ayaa beeshan ku sharfey. Magacu ujeedo kasta ha ku yimaado’e, khasaare mooyaane faa’iido ma aanu soo kordhinin. Beeshii Aadan Maxamed Abokor ee markeedii hore’ba kala lunsaneyd, ayuu isaguna sii kala fogeeyey. Sababta oo ah, nacabkii beesha tafaraaruqeeda jeclaa, ayaa isagana shidaal ka dhigtey.

Beeshii awalba labada magac ee Habar Jecle iyo Toljecle lagu kala qariyey, ayaa magacan kale ee Axmed Sheekh Isxaaqna, loo heley.

Beeshiiba irbad suuxdin ah, oo ah: ”Sheekh Isxaaq baad toos u gashaane, hoos ha isku soo dhigina, oo Aadan-madoobe hoos ha iskugu soo celinina”, ayaa lagu mudey.

3- Magaca Curad

Magacani waa irbad kale oo iyadu maandooriyad ah. Beeshii oo idil ayaa inay curad yihiin, oo ducadoodu ay kacdo laga wada dhaadhiciyey. Qof wali’ba waxa uu isku qaadtey inuu curad yahay, oo uu dadka kale ka mudan yahay. Sidaas darteed, haybtoodii inay raadsadaan warkeedba daayoo, waxyaalo badan oo ay xaq u lahaayeen, ayay magacan daraadii ku lumiyeen; oo ay ku waayeen.

Alla ha u naxariisto’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye

Dhaqashiyo marbay kaa yihiin, dhereggu xaaraane

Dhedigaansho waa ceeb inaad, dhamagsataa meele

Dhadhan malaha aadmigu wuxuu, kugu dhalliilaaye

Nin dharbaaxo quudheed dugsadey, dhaqayadeed maalye

Dhashaadey suggtaa xaajadaad, dhawrataa abide.

Saddexdaas xeeladoodba haddeer way sii shiiqayaan, oo waa laga ilbaxey. Sababta oo ah, adduunyadu way isku soo dhawaatey. Isgaadhsiin casri ah ayaa timid. Aqoontii’baa xoog yeelatey. Jaahilnimadii ayaa diciiftey. Baadhitaanadii iyo raadraacyadiiba, aad iyo aad ayay u fududaadeen.

Sidaas darteed, taariikhdaas sugan haddii aan lagu qanacsaneyn, hab aanu muran ka iman kareynin, oo intii isku xidid ka soo beerantey’iba ay isku ogaan karayaan, ayaa soo baxey; waa’na isir sidaha (DNA).

Maxamed Sheekh Daahir

sheekhdaahir@gmail.com

COMMENTS