BALIGUBADLE MEDIA
Fadeexad: Xisbiga Kulmiye oo Markii uu Faro Madhan Ka Istaagay Axmed Dhagax iyo 31 may Basas Dad Safaariya Sida Ka Soo Waarida June Iyo Koodbuur Kuna Soo Shuba Hargeys Stadium
October 30, 2017 - Written by editor

Xisbiga kulmiye ayaa faro madhan kala kulmay bulshowaynta ku dhaqan degmooyinka 31 may iyo axmed dhagax kuwaasoo ka gaws adaygay taageero ay markale siiyaan xisbiga kulmiye

waxaanay taasi keentay in maalinta ololaha ee kulmiye ay degmooyinkani noqdaan kuwo haawanaya islamarkaana barxada uu taageerayaashiisa degmooyinkan ku soo bandhigo ee hargeysa stadium ay noqoto meel cidlo ah

kulmiye

waxaana laga fikiray balse sidii barxadaas haawanaysa maalinta kulmiye loo soo buuxin lahaa waxaana maalintii sabtida ee todobaadkan kulmiye qorsheeyay inuu basas gaadhaya 15 bas dad kaga soo guro degmadda koodbuur islamarkaana uu soo mariyo dadkaas dhanka biriishka pepsiga si uu u keeno barxad stadiumka

arintan ayaa noqotay mid fajac iyo amakaag ku abuurtay cidkasta oo maqashay waxaana xusid mudan inaan dad daamo kale basas lagaga keenaa aanay waxba u soo kordhin karin xisbiga kulmiye maadaama oo loo baahnaa inuu siyaasad iyo nidaam ka waafisan kan aadka u liita ka fikiro, waxaana halkaas ka cad in ololaha kulmiye sii muujinayo jabka wayn ee ku soo wajahan xisbigaas.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS