BALIGUBADLE MEDIA
Dhismaha Waddadii Halbawlaha U Ahayd Degmadda Axmed Dhagax oo Dawladda Hoose Joojisay Soltelko oo Qalabkii U Qaatay Xaafadooda Iyo Fariinta Loo Dirayo Bulsho Waynta Deegaanka.
October 30, 2017 - Written by editor

waxa gabi ahaanba maalin gudaheed ku joogsatay wadadii hormaraysay cisbitaalka edna ee gaadhaysay biriijka pepesiga sida masuuliyiinta dawladda hoose ka dhawaajiyeen
balse balanqaadkii dhismaha wadada ee ay masuuliyiinta dawladdan hoose ka horjeediyeen bilawga dhismaha wadada ayaa noqday halbacaad lagu lisay kadib markii wadadu maalin gudaheed ku istaagtay

soltelko ayaydhalay

dhanka kale maayar soltelko ayaa xaafadooda gaystay qalabkii lagu dhisayay wadadan waxaana durba fashilmay balanqaadkii wadada ee ololaha u eekaa ee hadana laga rumayn waayay maalmo gudahoodna ku istaagay
maxaa la gudboon bulshadda deegaanka ee qaabkan bahdilka ah loola dhaqmay

wadadan oo ku jirtay mashruuca jplg oo hadda ay lunsadeen siltelko iyo masuuliyiinta dawladda hoose 3 sanno kahirna qorshaheedu ahaa in la dhiso ayaa markii lacagteedii ay cuneen soltelko iyo masuuliyiinta dhigiisa ahi waxa ay dhismaha wadadan ku soo beegeen dhawaan markii uu bilaabmayay ololahu hadana kamay rumayn ee way ku fashilmeen dhismahaas waxaanay taasi keentay in badiba dadwaynaha deegaanku aad uga cadhoodaan habdhaqankan foosha xun ee kula kaceen deegaankooda soltelko iyo qayrkii

hadaba waxa sideebaa loo aamini karaa xisbiga intuu isku sawiray wadadii xaqa loogu lahaa dawladda hoose hadana kaga rumayn waayay balanqaadkii ee markii kamaradda ay iskaga duubeen cisbitaalka edna hortiisa saacad kadibna qalabkii qaatay xilli aanay dhamaystirka wadadu dhawayn waxa iska cad in beentii iyo borobagaandadii kulmiye soo oodamayo waxaana bulshadda deegaankan la gudboon inay ku aarsadaan codkooda islamarkaana ay gabi ahaanba codkooda kala baydhaan xisbiga guuldaradda ee kulmiye oo beentiisa iyo xasadkiisu ku bateen dalka

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

hargeysa/Somaliland

axmedrooble77@gmail.com

COMMENTS