BALIGUBADLE MEDIA
Claahi Cukuse Waa Nin U Haysta Inuu Ku Hadlo, Af-Soomaali Cidba Aanay Aqoon!
October 30, 2017 - Written by editor

ASC Dhamaan shacbiga reer Somaliland-noow Gude iyo Dibadba

Waxaan hordhac ka dhigayaa, Barigaanu yar yarayn markaanu kubada ciyaarayno, waxa mar mar nala ciyaari jiray ilma yar oo aynigayaga ah balse BAADIYAHA ka yimi. Ilmahaa yari wuxuu lahaa QALAAFO!

Maalintii u horaysayba markii uu na dhex orday ayuu kala garan waayay kuwii uu u ciyaarayay iyo kuwii kasoo horjeeday….HARAATIBUU NAGU WAALAY. Waxa ka dhigan, isla tusaalayntan oo ku sar-go’an Claahi Cukuse oo markii Tiyaatarka Cumar Caydiid aanu wado ka marinay, Maantana usoo dhigtay Musuuliyiinta Xisbiga Shacabka Somaliland ee WADANI khaasatan Hogaamiye Xirsi iyo Musharaxa Wadani DR.CIRO.

Sidaa ku aragtaan VIDEO-ga hoos link-kiisu yaalo, waxaabuu ku leeyahay Cukuse: C\Raxmaanoow afla-gaadada iska

daa waxba ma hayside! Hadii kale taariikhbadan baan hayaa…….Xirsi marbuu noogu dheeraa!!!

Hadaba Cukuse waxaan idiin sheegayaa isagu wuu ciyaarayaaye, taariikhda dadku hayaan war uma hayo! Rag taariikhda dalka ku ah Diihaal-Gabowday, oo haya DOCUMENTS uu ay ka naxayaan DIRKA CUKUSE ayaa jooga Somaliland waliba kugula jira Kulmiye hadana LA JIRA WADANIGA SHACABKA. Kaligii taariikhda Somaliland, Cukuse muu ururin, way ka balaadhantay boqol dhigiisa ah, bal hadaba anigoon kusii tiigaalayn iswaydiiya labadan su’aalood:

Cukuse maxaa isagoo wasiira looga jabiyay GACANTA!

Cukuse muxuu la miliqsadaa ama maxuu dhadhansadaa markuu laba erey yidhaa!!!?? Hada waliba waxba ma cunayo, mana cabayo markuu fagaaraha ka hadlaayo, laakiin Carabkaa dhagtaa haya!

Cukusoow waxaan kuugu bushaaraynayaa tixraacyada hoos yaala ee VIDEOS-ka ah, waxaan kuugu bushaaraynayaa in haddii aad soo dhiirato wixii aad tidhaaba ilaahay ii dhib

Halgankan aad ku celcelinayso, dee aqoonsigiisii ma haysto ayuu yidhi Musharaxa Kulmiye! MAALIN SNM KUMAAN LAHAYN AYUU YIDHIYE M BIIXI, MARKAY SIDAA TAHAY, INAGA DAAYA TAARIIKH JUJUUBKOO WAXKALE KEENA!

Waxaan kaga baxayaa:

CUKUSE MA YAQAAN SUMADDA GEELA CIIDAGALE! LAAKIIN CAANIHIISA WUU DHAMAY!

MAAHMAAHDII MUJAAHIDKA RASHIID AADAN KU GANAY CUKUSE, DIB U XASUUSTA

SIYAASADIIBAA JAR ISKA-XOOG IYO IS-QORNIMO GASHAY: MAANTA LAGA BILAABO WAXAAN U SHEEGAYA, DHAMAAN KACDOONKA XISBIGA SHACABKA EE WADANI INAAN IS QORAY: WEERAR-YAHANKA WADANI OO U TABABA BARAN NEW KULMIYE IYO DIR CUKUSE!

Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal!

SANWAA CUMAR YARE

Freelance Political Commentator

Email Address: politicianbynature@outlook.com

COMMENTS