BALIGUBADLE MEDIA
Borobogaandhada KULMIYE uu kula Kufay Xisbiga rajadda Ee WADDANI
October 26, 2017 - Written by editor

Maanta oo kale sannadkii 2010kii ayaan xilli duhur ah aan dhagestey warka idaacadda duhurnimo.

Warka waxa akhriyaysay gabadh dhaliyaro ah kute” dhageystayaal qodobada warkeena maanta ugu door roon waxa kamid ah, Xukuumadda talada haysa ee xisbiga udub ayaa xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ku eedaysay inuu la shaqeeyo kooxaha argagaxisada ah”

Anigoo kamid ahaa waagaas taageerayaasha xisbiga udub aad baan uga xanaaqay in xisbi qaran ilaa heerkaas la la gaadho oo lagu tilmaamo in uu la shaqeeyo koox argagaxiso,

Yaabba waaka dambeeyee waxa isla maalmahaas bilaabmay ololahii doorashada ee Kulmiye nagaga guuleystey ,  waxa aan

ka qaybgalay ololaha doorashada maalintii xisbiga udub ugu horreysey waxaan tagey beerta xorriyadda.

Dadweynaha isu soo baxay oo yaraa awgeed saacaddu waxay soo gaadhay 11kii subaxnimo waxay masuuliyiinta xisbigu khudbadeeyaanba dadweynihii fagaaraha ku sugnaa ayaa  si qunyar qunyar ah iskaga dareeray.

Waxa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay nin La odhan jiray JUG-SOODHACAY oo aan u maleynayo in uu ahaa xoghayaha warfaafinta ee waagaas xisbiga udub, waxa aan soo daba istaagay xoghayaha isagoo  hadalkiisii watta ,  weriyayaashii maalinkaas ka duubayay warka waxa aan ka xasuustaa Ismaaciil Cali Ducaale.

Aan hadalka dulucdiisa u soo dhawaadee ninkii Jug-Soodhacay wuxuu fagaarihii madhnaa ka yidhi

“Walaaleyaal dhamaan shicibka somaliland waxaan u sheegayaa in xisbiga Kulmiye uu la shaqeeyo argagixisada soomaaliya.  Walaaleyaal shalay toole oo jimce ahayd khudbadaha salaadii jimce waxa lagu taageeray xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye,  walaaleyaal deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka banaadir waxa la sudhay calanka xisbiga Kulmiye”

Intaa markuu yidhi àd baan ula yaabay una khajilay ninka masuulka ah ee waxyabahas ku ololaysanaya. Waxayna ahayd markii iigu horreysey een maqlo deegaanka ceelasha biyaha ee magaalada muqdisho.

Guntii iyo gebagabadii maanta kulmiye waxa uu marayaa  heerkii uu maalinkaasi marayay xisbigii UDUB,  waxaanay daliil cad u tahay sida looga niyad jabay ee aan mar kale loogu dooran doonin talada wadanka.

Cabdiraxmaan ismaaciil xuseen.

Taageere xisbiga rejjeda shacabka.

Tell:0634741655__0659145806

Email: Cabdishiine180@gmail.Com

COMMENTS