BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Maaliyadda oo Shucuurta Islaamka Iyo Bulshadda Somaliland ku Bogaadisay Munaasibadda Ciidul Adxa
September 2, 2017 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo SamSam Cabdi oo ku hadlaysa magaceeda, ka hawlwadeenada, Shaqaale waynaha wasaarada Maaliyada, ayaa waxay ay hambalyo iyo boggaadin u dirayaa guud ahaan umadda Islaamka iyo weliba shacabka Somaliland, Iyada oo ku hambalyaynaysa Debaal Dega munaasibadda Ciidul Udxaa  oo ku beegan maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay Dul-Xij.

Marwo SamSam cabdi Aadan  sidoo kale waxay   si gaara  ah ugu hambalyaysay  Ciiddammada kala duwan ee qaranka Somaliland, xaasaskooda iyo caruurtooda iyo weliba sida oo kale

samsam8

shaqaale-weynaha iyo guud ahaan-ba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan gudo iyo dibad-ba..

Marwo SamSam Cabdi Aadan sida oo kale waxay guud ahaan umadda Islaamka ah iyo reer Somaliland ba ay  Alle uga bariday adkeynta midnimadooda iyada oo uu Eebe ka bariday in uu caafimaad sareecan ah uu siiyo inta xanuunsanaysa sida oo kale na uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo intii dhimatay.

Xafiiska  Warfaafinta Wasaarada Maaliyada

Hargeisa Somalland

COMMENTS