BALIGUBADLE MEDIA
Suxufiga Ducaale oo Hadlay Dacwad Uu U Gudbiyey Xeer Ilaalinta oo Ka Dhan Ah Afhayeenka Xisbiga Waddani
September 11, 2017 - Written by editor

suxufiga Maxamuud Cabdi  Cali Ducaale ayaa xeer ilaalinta somaliland u gudbiyey dacwad ka dhan afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa.

Suxufi Maxamuud Cabdi Cali Ducaale ayaa sheegay inaanu qabin arimahah uu ku eedeeyey afhayeenka xisbiga Waddani ee la xidhiidhiyey xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

ducaale

Ugu horayn suxufi Ducaale oo ka hadlay waaya aragnimadiisa saxaafada ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ahay oday weyn oo in ka badan 40 sano ka soo shaqaynayey warbaahinta, waxaanan ka soo hawl galay warbaahin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Radio Muqdisho, BBC-da oo aan mudo 20 sano ah ka shaqaynayey iyo

Radio Spectara International, dhawryo labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey waxaan ka shaqaynayey telefishano.”

Suxufi Ducaale waxa uu sheegay inuu ka xun yahay eedaymaha uga yimid afhayeenka Waddani waxanu yidhi “Waxaan aad uga xumaaday oo fajaciso igu noqotay in afhayeenka xisbiga Waddani xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa aan ka maqlay isaga oo leh ninka Ducaale la yidhaa waxa xil looga magacaabay xisbiga Kulmiye isla markaana Horn Cable TV ku leh shaqada ka erya,  markaa waxay igu noqotay wax lala yaabo oo aan garan waayey, aduunyadana waxa jir nidaam, xeer iyo sharci iyo wax saxaafada laga sii daayo oo qofka xaq loogu leeyahay iyo wax kale.”

Sidoo kale suxufi Ducaale ayaa meesha ka saaray inuu jiro wax xil ah oo looga magacaabay xisbiga Kulmiye “Anigu ma ogi xil cidi ii magacaabatay haddii lay magacaabana wax aan qarsan karo maaha wax dhibaato ahina kuma jirto oo ceeb kama qabo in cidi wax ii magacawdo laakiin anigu maan doonan layman magacaabin.”

Ugu dambayna Suxufi Ducaale ayaa soo bandhigay dacwad uu u gudbiyey xeer ilaalinta taas oo ka dhan ah xildhibaan Buubaa “Waxaan u tagay xeer ilaalinta aniga oo ka codsaday oo aan waydiistay  intaan arji u qortay laba arimood oo ad adag oo lay gaystay oo ta ugu horaysaa tahay in been layga abuuray oo wax aanan ogayn laygu sheegay, haddii ay iyagu og yihiin ha soo sheegaan inkasta oo aan iyada qudheedu wax xun ahayn oo aanu jirin wax dambi ah oo ku jiraa in qofku xisbi galo, laakiin shaqada halaga eryo waan dhibsaday oo ima qabato, ta labaadna waxa weeyaan Sumcadayda, Anigu oday ayaan ahay intaas oo sanadood ayaan ka shaqaynayey warbaahinta waanan tagi karaa meesha aan doono xildhibaan ayaan noqon karaa, wadankaygii ayaan joogaa, in sidaas oo kale layla hadlo maan filayn.”

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS