BALIGUBADLE MEDIA
Shirkadd DP World oo Soo Saartay Amaro Adag iyo Xukuumadda oo Ka Biyo Diiday Arrimo Cusub oo ay La Soo Baxday Dubai Port
September 12, 2017 - Written by editor

Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Ayaa Ku Sugan Magaalada Berbera, Waxaanay U Yimaadeen Xalinta Amarada Adag Ee Kasoo Baxaya Shirkada Dp World Ee Ku Wajahan Gancstada Macaamiisha U Ah Dekada Berbera Ee Wax Kala Soo Dega Waxna Ka Rara,

Lagasoo Bilaabo 3/02/2017 Oo Ahayd Maalintii Si Rasmiya Xukuumada Somaliland Ugu Wareejisay Maamulka Dekada Berbera Shirkada Carbeed Ee Dp World Waxaa Taaagnaa Cabasho Xoogan Oo Maalinba Heer Taagnayd Kana Imanaysay Ganacstada Reer Somaliland Ee Isticmaala Dekada Berbera, iyo Waliba Cabsho Adag OO Kasoo Yeedhaysay Shaqaalihii Ka Shaqayn Jiray Dekada Berbera Oo Illaa Iminka Iyana Taagan,

dp world3

Mushkiladan U Danbaysay Ee Cabshada Ganacstadau waxaay Salka Ku Haysaa Maamulka Shirkadan Oo Sooo Rogay Amaro Ah In Qof Kasta OO galaya Dekada Berbera UU

Xidho,Sadex Shay OO Kala Ah ,

KABO WAAWAYN OO KUWII MILTARIGA U DHIGMA

KOOFIYAD BIR AH OO TII SHAQADA ADAG LAGU QABAN JIRAY AH

IYO JAAKEET CALAAMAD U AH SHAQAALAHA KA SHAQEEYA DEKADA,

Sadexdan Shay Ayaay Diideen Dhamaan Ganacstadau In Aay Xidhaan waxaanay Ku Dacwiyeen In Aanay Iyagu Shaqaale U Ahayn Shirkadan Ee Aay Yihiin Bulsho Cashuur Bixiyayal Ah Sidaa Laajigeed Aanay Xidhan Karin Qalabkan,

Marka Laga Reebo Ayaay Yidhaahdeen Jakeetka ,

Hadaba Wararka Xogta Ah Ee Laga Hellayo Sadexdan Wasiir Oo Kala Ah Wasiirka wasaaarada Hawlaha Guud Cali Mareexaan, Wasiirka Amniga Maxmaed Muuse Diiriye iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Somaliland Axmed Xashi Waxaay Sheegaysaa In Aay Kulamo Gaar Gaar Ah La Qaateen Gancsatadii iyo Bulshadii Ku Xidhnayd Dekada iyo Masuuliyiinta Shirkada Dp World Ee Gacanta Ku Haysa Mamulka Dekada Berbera,

Wasiiradan Xukuumada Ka Socday iyo Gudoomiyaha Gobolka Oo Wehelnaayay Ayaa Illo Xog Ogaali Ahi Sheegayan In Aay Madaxda Shirkadan Ee fadhigoodu Yahay Berbera Aay Gacanta Ka Galiyeen Bushqad Xidhan Oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo Usoo Qoray Masuuliyiinta Shirkadan Ee Mamusha Dekada Berbera, Taas Oo Nuxurkeedu Ahaa Arimaha Dhextaagan Ganacstada iyo Shirkadan Carbeed,

Waxaana Wararku Intaa Ku Darayaan In Masuuliyiiinta Dp World Berbera Aay Ka Cudur Daarteen In Aanay Fulin Karin Waxa Ku Qoran Warqadan Laakiin Aay Udiri Doonaan Xafiiskooda Dubai Oo Aay Amarada Ka Qaatan, Sidaa Daraadeed La Sugo Jawaabta Kasoo Noqota Xafiiska Dubai Ee Shirkadan Dubai Port Aay Ku Leedahay DUBAI,

Sidaa wararku nagu soo gaadhayaan, Waxaa La Isla Gaadhay Go,Aan Ka Horeeya jawaabta Dubai Oo Ah In Shaqdii Sideedii U Socoto Oo Laga Dulqaado Amarada Adag Ee  Ganacstada Lagusoo Rogay

, Madaxtooyada Somalilnd Ayaa La Sheegaya In Aay   ka Cadhoodeen Amaradii Udanbeeyay Ee Shirkadani Kusoo Rogtay Ganacstada iyo Bulshada kala Duwan ee Ku Xidhan Dekada Berbera,

Dekada Berberi Waa Isha Dhaqaalaha Ugu Badani Kasoo Galo Somaliland Waana Lafdhabarta Miisaaniyada Dawlada Dhexe Ku Shaqayso, Caqbadahana Soo Noq Noqdayna waxay halis Ku Yihiin Dakhligii Xukuumada Kasoo Gali Jiray Dekada Berbera,

, Hadii Mushkiladani Sidan Kusii Socotana Waxaa Laga Baqo Qabaa In Ganacstadu U Wareegto Dekadaha Jaarka Ah Shirkada Dp World Waxba U Noqonmayso Hadii Dekadu Xidhanto iyo Hadii Ganacstadu Wareegto Oo Aay  Tagaan Dekado Lagu Ixtiraamayo Oo Lasoo Dhaweenayo,

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS