BALIGUBADLE MEDIA
Saylici Ma Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Baa Mise Maareeyaha Awdal
September 4, 2017 - Written by editor

Ma soo marin Jamhuuriyadda Somaliland madaxweyne ku-xigeen ka liita mudane Saylici runtii hadii laga soo bilaabo madaxweyne ku-xigeenkii dowladii Tuur wuxu ahaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa ahaa aftahan wax ku soo bartay dalka ingiriiska ahaana hadal yaqaan ururkii SNM difaaci jiray waxa isna soo maray madaxweyne ku-xigeen madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo isna ahaa hayin isku wada ummada oo aan kala saarin dadkuna u simayihiin labadii masuul lama hayo goob ay reerahooda ugu doodeen mana jirto in midkood ka cadhooday danta qaranka halka uu Saylici tiroba labo jeer Dubai ugu duday soona maslaxay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro dhawrkaa jeer si aanuu u wiiqmin haykalkii dowladnimo

Muwaadin Saylici

wuu silciyey dowladnimadii marka laga soo bilaabo maalintii uu Kulmiye u doortay madaxweyne ku-xigeen ee uu talada dalka la wareegay lama mahdin taladii odaygan oo dhawr jeer ku maqnaa cadho uu ka cadhooday habka uu Siilaanyo u maareeyo arrimaha gaarka u ah gobolka Awdal la soco marnaba Saylici isuma haysto nin qaran ama madaxweyne ku-xigeen rasmi ah balse wuxu isu haystaa nin kursigaa ku helay Awdal oo uu ka soo jeedo dana kama laha gobolada kalee dalka kama dhaadhacsana in uu madaxweyne ku-xigeen u yahay dhamaan bulshada Somaliland ku nool weli lama hayo Saylici oo ka hadlaya arrimaha gobolada kale ka jira tusaale ahaan

-Abaartii bari afka wuu ka xidhay oo waxba kama galin

- Shuban Biyoodkii Togdheer wax tar iska daaye xataa kamuu hadal manuu booqana buuqan jiifka

-Colaadihii Ceel Afweyn wuu ka gaabsaday

-Qaadhaankii abaaraha waxba kumuu darsan

Haseyeeshee Saylici wuxu had iyo jeer faraha kula jiraa arrimaha gobolka uu ka soo jeedo oo uu si dhaw ula socdo kana dhex wado qalalaase iyo kala qaybin uu ku hayo bulshada uu ka soo jeedo dhexdeeda tusaale dagaal siyaasadeedbuu kula jiraa ardaayada kale ee Samaroon ka soo jeeda siiba kuwa taageera xisbiga mucaaradka ee Waddani kuwaas oo uu bartilmaameedsaday waayadan dambe aadna ka garan karto ku tagrifalka awooda sharci ee uu siiyey dastuurka JSL isaga oo awoodaa u adeegsanaya in uu beelaha Samaroon ku kala qaybiyo hab guracan oo uu isleeyahay Muuse Biixi cod uga keen meel uu godob ka galay bari waxaa gobolka Awdal isgu imanaya kooxda kacaanka Kulmiye iyo madax dhaqameed siyaasiyiin noqday iyo madaxweyne ku-xigeen gobolkiisa soo dhaafi l’a

dsancaani88@gmail.com

COMMENTS