BALIGUBADLE MEDIA
Murashax Muuse Biixi Siddu Doorashada Golha Wakiilada ugu Sharaxay Bulshada Awdal iyo Sool Waa ( illusion) Khayaali
September 8, 2017 - Written by editor

Ma Dhabaa In Xukuumaddu Sheekh Aadan U Dhiibayso Dawladdo Shisheeye?
xukuumadda siilaanyo ayaa lagu soo waramayaa inay sheekh aadan sunne Waxaan dhawaan Warbaahinta ka Daawaday Gudoomiyha Xisbiga Kulmiye
Mujaahid Muuse Biixi Oo ku faanaaya Shirgudoonka Golha Wakiiladda ee
Dhawaan la doortay

in kasto Doorshada Gudoomiyha Muran ka dhashay oo hadana laga heshiiyay .

khayaali

Waxaan Daawaday Murshaxa Kulmiyo ku faanaya in Xukuumada iyo kulmiye
Saami qaybsi u sameeyeen Somaliland Oo Gobolda Awdal iyo Sool ka
dhigeen Shirgudoonka Golha Wakiilda

Arintaa Waxan u arkaa Been Cad iyo Khayaali uu Muuse Bulshada la hortagy

Sababtaa ma is waydiisay horta Waydiimahan

1: Gudoomiye muuse imisa sanuu ahaa Gudoomiyha Xisbiga tallada haya ?

2: Gudoomiye Muuse Xukuumada iyo Xisbiga Soo Sharaxay maxay Xili hore
Saami qaybsiga Maanta sheegyaan

u samayn waayeen ?

3: Xukuumada Kulmiye Maanta Waa sidee Saami Qaybsiga la siiyay Sool iyo Awdal ?

4: Awlad Iyo Sool Ma maanaty Somaliland Noqdeen ?

5: 7 Sano kulmiye Dalka Xukumaayay Maxa kuraasta loogu dhiibi waayay ?

Garaadka Garashada Leh wu dareemaya in Xukuumadda kulmiye hagraty Sool
iyo Awdal maanta Waxa uu muuse wadaana tahay Cod raadis uun .

7 Sanno Oo Xukuumadda Kulmiye Dalka ka talinaysay miyaad wali aragteen
Muuse Biixi Oo Leh Sool ama Awdal kuraasta Golayaasha haloo baneeyo
ama ku doodaaya Saami hala siiyo

Gaardka iyo Garashada Reer Awlad iyo Sool ayuu Caayayaa markuu
Leeyahay Saamiba jira

Me Saamiga jiraa ?
Ma Ogtahay kuraasta
Ma Ogtahy Kuraasta ugu wayn eey ahayd in Xukuumaddu Si saami ah u
qaybiso in Beesha muuse ku fadhido ?,

Kuraastaa Waxa ka midda

1: Taliyha Ciidanka Qaranka Somaliland
2: Gudoomiyha Maxkamada Sarre
3: Wasiirka Maaliyada
4: Wasiirka Arimha Dibadda

Xillalkaa Oo Muuse Beeshisu hayso inuu umada Somaliland kala hadlo
Saami Qaybsi Waliba Sool iyo Awdal Waa Gaf badheedha iyo ku tiiq
tiiqsi

Somaliland waa midd waxse Sidaa Foosha Xun wax u qaybiyay Xukuumada
kulmiye Casar liiqa joogta .

Sidaaso ay tahay ilma aha in hadii uu taladda Dalka qaban lahaa
murshaxa (Perplexed ) ka ah ee Wareersan inuu Awdal iyo Sool kuraasta
ay maanta fadhiyaan Xatta ku siinahayn (Implore) Codsi iyo baryo toona

Ugu danbayn Wakhtiga keenay shirgudoonka maanta

Maaha wax Xisbi keenay iyo midd Xukuumad ka shaqaysay toona
wanaynu ka wadda dharagsanahay Gudoomiyihi la, dooratay Tanyale sidii
Codkiisi laysu daba mariyay

iyo tanaasulka Qaran ee Gobanimadda lahaa

Doorshada Gud.Xigeen koowad Xisbi iyo Xukuumad Sheehan kartaa ma jirto
waa Doorsho Guul Qaran ahayd oo Somaliland gaadhay waxana u Codeeyay
Xildhibanada Golha Oo Midda

isagna waxan uso jeedinayaa inu Shacbigiisa ugu adeego Daacadnimo .

Gudoomiyha faanka kaga hadhee Col hortii jabay qaadaaya waa
mujaahidkee Waxan leeyahay Adeero Awdal iyo Sool habeena Wasiir Sam
Sam iyo Ma tidhi kursigaa u banee Sool ?

Waa Maya kadaa umadda Beenta Qaawan eed hadh iyo habeen la , Gudayso .

Mubaarik keyse Fooje

Email mubaarikeldhag2@Gmail.com

Addis Ababa

mubaarikeldhag2@gmail.com

COMMENTS