BALIGUBADLE MEDIA
Iska Hor Imaadyo Dhex Maray Soomaalida Iyo Oromada Ku Nool Dalka Itoobiya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
September 13, 2017 - Written by editor

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qof oo kalena waa ay ku barakaceen rabshado cusub oo ka billowday Bariga Itoobiya.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dad ku dhinteen rabshado ka dhacay magaalooyin ku  yaala  Bariga Itoobiya.

Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacay rabshadahaasi, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo gawaadhi la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen.

oromo

Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan
booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.

Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu saameeyeen.

Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi.

Source:-BBCsomali

COMMENTS