BALIGUBADLE MEDIA
Habar Dhaliwayday Aleelo Ku Waalatay – Waa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ‘Saylici’
September 4, 2017 - Written by editor

Dawladaha adduunka oo dhami waxay raacaan kaalender wax wabad oo badi sannadleh ama masuulkasta marka meel laga bedelayo xilwareejintiisa waa in (report)ka wax qabadka xukuumadda  ka mid ahaadaa uguna horeeyaa.

maqaal

Sida caada xumada xukuumadda Kulmiye ahayd ee aynu ku soo wada aragnay wax ixtiraama oo wasaarad ama wakaalad ama gudoomiyeyaasha loo hayey ma jirin oo isku shaandhayn aan wax micne ahi ku jirin baa seddexdii bilood lixdii bilood iwm lagu samaynaayey oo karbaash uun ahayd oo dadkan masuulka laga dhigayey lagu hayey.

Maanta madaxweyne ku xigeenkan Saylici wareegtadiisu seddex micne ayuun baa laga dhex arkayaa inuu u jeedo in war sugan ka hayo xaaladda caafimaad ee madaxweyne Siilaanyo oo

uu muujinayo soo noqosho xafiis oo Siilaanyo inaanuu jirin.

Ta labaad wuu ogyahay masuuliyiintan uu tobanka cisho ku weydiinayo wax qabad todobo sano ah oo todoba wasiir ama agaasime iyo uga horeeyeen shaqada wax (report)ah oo la weydiin jiray ama ay xafiiska kaga tageen aanay jirin badina wasiiradii ka wada hilaaceen wadani oo ay arintani noqonayso wax qabadkii xukuumadda Kulmiye oo wadani laga rabo; mar qudhaaba in ku dhaw labaataneeyo wasiiro iyo agaasimeyaal ka dareereen xukuumaddii

Kulmiye oo ahayd in madaxweynuhu is casilo. Maanta waxay noqonaysaa in lacagtan ummadda ee sooqyada lala wareegayaa lagu soo eebsado (reports)kii ilayn xukuumaddaa masuuliyiinteedii ka dhigtay salool afarta jiho loo kala tuuray, in badan oo Saylici toban cisho warbixin kaga rabaa Farmaajay la joogaan .Markaa anigu waxaan isleeyey Saylici taariikhduun buu gashanayaa inuu wareegtooyin soo saaray. Masuuliyiintan Kulmiye ee Xusbiga Wadani shaqo ka dhigtay iyo wefti ay dabayaacaan bagaa shaqo uu u diray waaba laga yara nasanayaaye.

Waxaa kaloon u sheegi lahaa Badhisaabkan Shiine ee Saylici shaqada ka joojiyey madaxweynaan sugayaa waa kuu nacasnimo e laba shay uun baa kula gudboon waa CALAACAL IYO TALO labaduba dadku intay noolyihiin kama dhammaadaan. Calaalka Intaad Aqalkaaga Hoosta Ka Xidhato Keligaa Isla Dhamayso Calaalka. Ta Kale Tasho Oo Madaxweyne  Leh Taydiibaa I Cuslaysaye Maxaan Tari Nin Ii Cawday, Kaana Ha Sugine Wadani Ka Hilaac .

M BASHE

qoranebashe@gmail.com

COMMENTS