BALIGUBADLE MEDIA
Cali Mareexaan Oo Dalka Qarsoodu Ku Keenay Diblomaasi Sare Oo Xukuumadda Soomaaliya Ka Tirsan, Ujeedada Safarkiisa Iyo Danaha Dhaqaale Oo Ka Xoog Roonaaday Qaddiyadii Somaliland
September 12, 2017 - Written by editor

Xoghayaha koowaad ee safaaradda dawladda Somaliya ku leedahay wadanka Turkiga ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku sugan caasimada Somaliland ee Hargeysa,kadib markii uu masuulkaasi soo raacay oo uu dalka keenay wasiirka hawlaha guud,guryeynta iyo gaadiidka Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo todobaadkii hore dabayaaqadiisii dalka dib ugu soo laabtay,kadib safar uu ugu maqnaa wadanka Turkiga.
cali mareexaan
Ambassador Mukhtaar Bulbul xoghayaha koowaad ee safaaradda dawlada Somaliya ku leeyahay wadanka Turkiga oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland,kana mid ah masuuliyiinta ugu sareeya safaaradda Somaliya ee Turkiga  ayaa la sheegay inuu dalka Hab dhuumasho ah kusoo galiyey wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Mareexaan oo dano gaar ahi ka dhaxeeyo.
Ilo wareedyo xog ogaal ah oo u dhuun daloola diblomaasi Mukhtaar Bulbul ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay inuu ku tacaluqo xidhiidh hoose oo muddoba u dhaxeeyey diblomaasigan iyo  wasiir Cali Mareexaan,kaas oo xogo soo if baxayaana ay sheegayaan inuu sabab u ahaa safarkii u dhawaan wasiir Cali Mareexaan ku tagay dalka Turkiga oo ujeedadiisu ahayd sidii Diblomaasigaasi wasiir Cali Mareexaan ugu xidhi lahaa shirkado kala duwan oo qaarkood  ay yihiin kuwa dhinaca dhismayaasha ah oo wasiirku doonayo inuu dalka keeno.
Ilo wareedyaddan xog ogaal ahi waxay noo xaqiijiyeen in xoghayaha koowaad ee safaaradda Somaliya ee Turkigu ujeedooyinka uu wasiir Cali Mareexaan usoo raacay ay tahay siidii ay uga midho  dhalin lahaayeen hirgalinta mashaariico la sheegay inay mudooyinkanba wadeen.
Masuulkan diblomaasiga ah ayaa la sheegay inuu la socday wasiir Cali Mareexaan markii uu dalka dib ugu soo laabtay,isaga oo mudooyinkii u danbeeyeyba ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 
Inkaste oo la ogyahay halka ay siyaasad ahaan kala taagan yihiin Somaliya iyo Somaliland,hadana intii ay joogtay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo waxa kor u kacay xidhiidhada hoose ee qarsoodiga ah ee ay masuuliyiinta xukuumadda qaarkood la leeyihiin masuuliyiinta dalkaasi Somaliya,kuwaas oo wiiqaya qaranimada iyo qaddiyada Somaliland.
Foore

 

 

COMMENTS