BALIGUBADLE MEDIA
Arintii Madaxweyne Ku-xigeenka Ee Warbixintii Todobada Sano Iyo Tii Badhisaabka Shiine Indha Kaluun Buu Ku Eegay Saylici.
September 11, 2017 - Written by editor

Sidaan horeba u sheegay dawladuu waxay ku shaqeeyaan kaalandar wax qabad oo qorshaysan sanadleh na ah laakiin waxaynu u soo joognay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waligeedba ku shaqayso goaan kasta si gole ka fuul ah oon wasiir iyo wasaarad iyo waxqabad dawladeed aan midna la ixtiraamin ee shaandhayn karbaasha lala dabagalo dadka masuulka laga dhigo iyadoon loo eegin kumaa wax qabtay iyo kumaa aan wax lahayn.

Waxaynu usbuucii ina soo dhaafay ee madaxweynaha iyo marwadiisu maqnaayeen uu Mudane Saylici indha Kaluun ku eegay isagoon ka fiirsan wareegtooyin hal bacaad lagu lisay ah oo uu wasiirada kaga dalbaday warbixin 7 dii sano ee aynu soo dhaafnay oo yaab lahayd iyo

badhisaabkii Borame ee uu shaqo joojinta ku sameeyey ceebta Kulmiysan ee Muusaysan suuqa mariyey, markii madaxweynaha iyo marwadiisu yimaadeenba teneg xashiishkay ku rideen wareegtooyinkii Shiinena wa dalacsiiyeenba. Isaga markaad hadaladiisii debecsanaantu ka muuqatay ee uu lahaa madaxweynahaan sugayaa wuxuu ahaa nin xanjo meel ugu dheggantahay oo wasiirka maaliyaduna aad ula shaqaynaysay oo is huba inaanuu dhul u dhacayn. Muse Biixina arintani shaki bay ku ridday.

Waxaa caalamka lagu yaqaan (political party)ga xukunka hayaa ee wadanka madaxweynihiisu xukumaa in badi laga arko afar siyood oo uu wax u kantarool maamulka dalka.Ta u horaysaa waa in madaxweynuhu talada gacanta ugu wada jirtaa ta labaad parlamaanka waa ay shaqadooda la dhaafin karin, ta seddexaad xusbiga dawladdu ka timi waa inuu khilaaf ka dheer yahay in (term)kiisu socdo ta ugu dambaysa waa in (voters) kiisii aanay ka kala yaacin oonay xusbiga mucaaridka ah u digo rogan. Arimaahaas oo dhan xaaladda Xukuumadda kulmiye iyo xusbigeeda way ka qasan tahay waxaasoo dhami waxay markhaati ka yihiin inaan Madaxweyne Siilaanyo dan iyo Muraad ka lahayn kulmiye dambe xaqiiqdiina uu ka soo horjeedo askartan calancasta ah ee seddexdii madaxweyne ee Somaliland soo marayba ay xukunka dalka ka ilaaliyeen. Waana fursadii u dambaysay ee calancasdu quudaraynaysay.

M Bashe

COMMENTS