BALIGUBADLE MEDIA
Afayeenka Madaxda Dhaqanka Beelaha ARAB oo Amaanay Hanaanka uu U Socdo Wadahadalka Khaatumo. Tallo Miisaan lehna U Diray Golayaasha Qaranka.
September 5, 2017 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Afayeenka Madaxda Dhaqanka Beelaha oo Amaanay Hanaanka uu U Socdo Wadahadalka Khaatumo Baaqyo Isbarkana U Diray Madaxwaynaha, Golayaasha Baarlamanka Iyo Bulshadda

afayeenka madaxda dhaqanka beelaha arab suldaan xuseen xaaji cabdi cabdilaahi ayaa sheegay inay sidii ugu wanaagsanayd u socdaan wadahadalka somaliland iyo khaatumo islamarkaana sheegay in meel looga soo wada jeedo cid kasta iyo waxkasta oo carqalad ku keeni kara wadahadalka

suldaan xuseen

afayeenka oo warmurtiyeed uu soo saaray nuqul kamid ahi soo gaadhay xarunta warqabadka Baligubadlemedia ee hargeysa ayaa intaas ku daray in ilaa hadda ay rajo wanaagsani ka muuqdaan hanaanka wadaxaajood ee somaliland iyo khaatumo

afayeenku waxa uu sheegay in caqabadda ugu wayn ee wadahadalka iyo jiritaanka somaliland  ilaa hadda hor taagani tahay doorashadda islamarkaana loo baahanyahay in la kala duwo labaddan arimood oo  muhiimadda  la siiyo mida ahmiyadda wayn leh oo ah midaynta iyo wadajirka somaliland taas oo ahbuu yidhi wadahadalka

afayeenku wuxuu intaas ku daray in doorashadda iyo wadahadalka khaatumo ay kala yihiin laba shay oo aan la is barbar dhigi karin oo kala ahbuu yidhi faral iyo sunne iyadoo midaynta umadda somaliland ay tahay faral halka doorashaddu iyadu tahay sunne faral iyo sunne waxa culus faralka oo ah waajibaad daruuri ah,

afayeenku wuxuu madaxwaynuhu ku amaanay sida uu ilaa hadda u waddo wadaxaajoodkii iyo gogoshii uu u dhigay maamulka khaatumo, sidoo kale afayeenku waxa uu amaan balaadhan u jeediyay golaha wakiiladda somaliland oo uu iyagana ku amaanay siday goluhu u ansixiyeen wadahadalka somaliland iyo khaatumo

waxaanu baaq culus u diray golaha guurtida somaliland oo uu ugu baaqay inay taagantahay halkoodii loona baahanyahay inay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah maadaama oo ay  waajibaadkoodii ka soo guteen golaha wakiiladda iyo xukuumaddu , wadahadalkuna meel wanaagsan marayaan waxa loo baahanyahay in golaha guurtidu wakhti wanaagsanay  oo uu sii socon karo siiyaan wadahadalka si looga gun gaadhi karo midho dhal wanaagsan oo waxtar u noqda wadahadalka

afayeenku wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in guurtidu hadhaw aanay la shir iman xisbiyadda ayaanu 7 bilood kala tashanay ee loo baahanyahay in iyagu waajibaadkooda dastuuriga ay ka gutaan hawshaas iyagoo diiradda saaraya ahmiyadda ay qarankan ugu fadhido midaynta iyo wadajirku.

ugu dambayntii wuxuu afayeenku baaq u diray madaxda xisbiyadda oo uu sheegay in loo baahanhahay inay qaddiyadda wadahadalka oo ah midaynta qaranka ka qaataan doorkooda sida gudoomiyaha xisbiga ucid oo door wanaagsan ka ciyaaray arinta balse ay muuqato in xisbiyadda kulmiye iyo waddani ay indhaha ka lalinayaan qadiyaddan aan la dhayalsan karin ee wadahadalka, wax caqli gal ahna maaha ayuu yidhi afayeenku in xisbiyaddu dal kala daadsan oo midayntiisii lagu jiro ay doorasho ku galaan waa in saaxadda aad ku tartamaysaan la idiin wanaajiyo si marka dalka la mideeyo aad ugu tartantaan saaxad wanaagsan oo cadaalad iyo sinaani ka muuqato hadase nooma muuqato saaxad lagu tartamaa maadaama oo dalku galbeed iyo barriba aanu midaysnayn tabashooyin badana ay jiraan oo madaxwaynaha hadda joogaa arintaas hagaajinteeda badhtanka kaga jiro

dhanka kale afayeenka madaxda dhaqanka beelaha arab suldaan xuseen xaaji cabdi cabdilaahi wuxuu madaxwaynaha ka dalbaday in uu iyadana hoos u eego arinta saylac iyo beelaha ciise oo iyagana tabashadoodu xad dhaaftay mudadii aad madaxwaynaha ahayd.

isku soo wada duuboo afayeenku wuxuu shacabka somaliland iyo xisbiyadaba ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan midaynta iyo wadajirka umadda oo ay dantooda gaarka ah ka horaysiiyaan ta guud ee dalka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS