BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland Maanta Halka ay Taagantahay Ma Dhaafi Karto Hadii Aan Madaxwaynaha Joogaa Go’aan Adag Qaadan”Axmed Aadan Rooble”
August 12, 2017 - Written by editor

tan iyo intii dib loola soo noqday madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo dhiig badan iyo tacab badan kadib lagu guulaystay sanadkii 1991-kii waxa muuqata in khaladaad badan oo mudadii dawladnimadda somaliland jirtay la galay isbiirsadeen islamarkaana ay maanta caqabad wayn ku noqotay guud ahaan jiritaanka iyo midnimadda dalka

\axmed aadan rooble998

khaladaadkan oo ay sixideeda ka gaws adaygeen dawladihii kala dambeeyay ee somaliland hadana waxa maanta muuqata in si kasta oo la iskaga indha tirayay sixidda khaladaadkaas waawayn  ay maanta saamayn foolxun ku keeni karaan jiritaanka qaranimadda somaliland oo mudooyinkii u dambeeyay soo wiiqmaysay hoos u dhac waynina ku yimi.

khaladaadkaas waxa kamida tabashooyinka jira ee beelaha darafyadda gaar ahaan beelaha sool, sanaad cayn iyo beelaha gobolka salal oo u muuqda qaar la duudusiyay xaqii ay ku lahaayeen dalkan iyo dadkan iyadoo nidaamkii dawladnimo ee jiray ay isku koobeen qaar kamida beelaha dhexe oo intaas somaliland jirtay iyagu uun qaab qori isku dhiib ahaa iskaga dhaxlayay taladda iyo majaraha dalka.

inkastoo waxoogaa rajo ahi soo bidhaameen kadib markii dhamaadkii sanadkii hore uu madaxwaynaha somaliland wadahadal la furay maamulka khaatumo oo kamida tabashooyinka jira hadana waxaad moodaa in rajadaas ay ku ciyaarayaan qaar kamida masuuliyiin ka tirsan xukuumadda siilaanyo iyo qaar kamida madaxda xisbiyaddu kuwaas oo aan aragti fog ka lahayn jiritaanka qarankan curdinka ah.

hadii madaxwaynaha joogaa maanta ku wacad furo gogoshaa iyo wadahadalkaa uu furay waxay noqon taariikh madaw ku noqon doontaa taariikhdiisa iyo dhaxalkiisa dambe, waxa kale oo xusid mudan in madaxwayne siilaanyo oo madaxwaynihii ka horeeyay ku wareejiyay dal iyo dad midaysan uu maanta u egyahay inuu dalka kaga tagayo kala qaybsanaan arintaas oo baalmadaw ku noqonaysa taariikhdiisa.

inkastoo qaar kamida xisbiyadda maantaa joogaa xalinta tabashooyinka jira ay ka jecelyihiin doorashooyin iyo arrimo hoose hadana waxa madaxwaynaha taladda dalka haya la gudboon inuu ka faa’idaysto jaanisyadda ay lumiyeen madaxwaynayaashii ka horeeyay ee uu isagu ku dhiiraday sida wadahadalka khaatumo iwm.

waxaa muhiim ah in umadda somaliland shacab iyo dawladba isla fahmaan in 26 sanno kadib somaliland ay maanta taagantahay marxalad aanay dhaafi karin taas oo hadii indhaha laga laliyo sababi karta in la waayo jiritaanka somaliland.

madaxwaynaha taladda dalka haya ee midida daabkeedu gacantiisa ku jirtaa isagaa maanta gacanta ku haya labadda waddo ee somaliland ku baaba’ayso iyo ta ay ku sii jiri karto waxaanay ku xidhantahay labadda marxaladood ee kaaf iyo kala dheerida ah ee midnimo iyo doorasho ta uu dooranayo.

marka laga yimaado tabashooyinka aynu ka soo sheekaynay waxa iyana marxaladaha maanta dalka aafayn kara kamida sicir bararka iyo nolosha dalka ee maalinba maalinta ka dambaysa sii adkaansay taas oo hadii aan madaxwayaha somaliland ee shahaadooyinka dhaqaale ah sitaa uu xalin kari waayo aan laga sugi karin musharaxiinta aan arrimaha dhaqaalaha waxba ka aqoon ee majaraha dalka u hanqaltaagayaa.

guntii iyo gabagabadii waxa iga talo ah in aan dalku ku sii socon karin marxaladan maanta taagan ee ah la isku joojin maayo taas oo hadii laga fiirsan waayo dib loo raadcayn doono somaliland iyo jiritaankeedaba

Axmed Aadan Rooble

axmedrooble77@gmail.com

COMMENTS