BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Kaga Baxay Shan Wasiir Arrimo Gudeed Oo Isugu Tagay Xisbi Qudha? Qalinkii:.Khadar Kaariye
August 30, 2017 - Written by editor

Inta aynaan u galin jawaabta su’aasha sare, aynu ka yara horeysiino wasarada arrimaha gudaha iyo amniga shaqadeeda iyo baxadeeda.

Wasaarada arrimaha guduhu wa wasarada ugu Shaqada  badan uguna baxada weyn wasaradaha jamhuriyada simaliland,

Wasaradan arrimaha guduhu wa wasaradaha “A” ah waliba marka lo eego shaqdeeda waxaba la yidha wa ta 1aad,

Wasaradani waxay maamuusha dhamaan degaanada dhaca jamhuriyada S/land sida  gobolada  degmooyinka  tuuloyinka iyo dhuldaqeenka hoos yimada, nabad galyadooda ama amnigooda iyo dhaqajinta ama ka shaqeysinta maamulada gobalada, degmoyinka iyo tuuloyinka, waxa kale oo ka mida masuuliyadeda kala xadeynta gobolada iyo degmoyinka iyo ilaalinta xuduudaha waddanku la leyahay wadamada jaarka ah ee xuduuda aynu wadaagno,

Waxa kale oo ay

maamusha hayada #sirdoonka iyo cidamada amniga ama police ka oo ay wada shaqeeyn joogto ah sida maalin iyo habeynba waxa ay wadashaqeyntodu tahay every one minutes ama Sacad waliba, madama amnigi iyo nabad galyadi dalka wasarrdan arrimaha gudu uga masuultahay qaranka.

Wagii baryaba waxa laga raba  oo waajib qaran Ku ah  (Governorada) gudomiyasha gobolada ama badhisaabada warbixin subaxeed uu ka so dirayo dhamaan degaanka gobalkasi xukumo waxi habeeynki  xalay ka jirey oo ay ugu horeyso xaalada nabad galyada iyo adeegyada kale ee asaasiga ah,waxaney u so diran W.arrimaha gudaha, warbixin billed iyo warbixin sanadeed aya jira iyaguna.

Wasiirka arrimaha guduhu waxu hegan u gala sida cidamada amaanku heeganka u galan, waxa u isla markaba ogada faldanbiyedyada dilka ama daglada, rabshadaha ka dhaca dhamaan dalka kone ka kone cida Ku kacdey iyo cida lagula kacay danbiyadasi sacadaha ay dhacayanba wu hela report koda madama sirdoonki iyo police ki u xukumo, inta badan hadu cidamada amanka ka hor helo  iyo hadi iyagu ka hor helanba  waxa wajib Ku ah inu ka howl galo isaga oo adeegsanaya cidamada amanka iyo kuwa mukhaabaradka, si kasta oo ay tahay xalada gudaha ee dalka wu la socda wana shaqadiisa.

Akhristow Ma ogtahay wasiirka wasarada arrimaha guduhu in ay tahay wajib inu khibrad mudo dheera iyo wayo aragnimaba dheerado wasiirada kale ee dalka?

Mida kale ma ogtahay wasiirka so Maray wasarada arrimaha guduhu inu aqoon u leyahay dadka hagardameya qaranka nabadgalyadisa iyo xasiloonidisa?

Wasiirkasi akhristow wuxu bulshada S/land uu  ka dhexyaqaan,

1. Fidno wadayasha

2. Dagaal oogayasha

3. Qabqablayasha dagalada

4. Rabshad wadayaasha

5. Shobareeysta yaasha

Hadaba murashax Muse bixi Cabdi oo inta badan caan  Ku ah qabyalada, fidmooyinka iyo rabshadaha oo u kula baxay murtiyo,gabayo,naaneeyso sida muse shaani oo uu kula baxay mar madaxweyne siilaanyo laba sano ka hor Ku dhawaqay inu dib isaga so sharaxayo xisbigisa kulmiye, hasa yeshe muse bixi ka xanaqay oo u bilabey inu qasriga madaxtoyada ee silaanyo dagana qaraxyo ka fuliyey, xukumadu Ku sheegtay inu muse Ku qarxiyo #shaani hareeraha madaxtoyada, sikastaba ha ahaate markii danbana ay u so cumaamaden inu yahay murashaxa madaxweynaha xisbiga kulmiye ugu tartamaya dorashada 2017/11/13keeda.

Gunti iyo gabagabadi hadan u so noqdo su’aasha sare ee ciwaanka u ah qoraalkenan, wasiradan arrima gudaha ee hore ee shanta ahi waxaan qaba iney aqoon fican ay u leyihin murashaxa xisbiga kulmiye  korneeyl muse bixi Cabdi oo ay waliba hayan cadeeymo uu faldanbiyedyo uu dadka iyo dalka ka galey, sidaas awgeed ay uga mid noqdeen xisbiga aqlabiyada ee waddani, si ay uga badbaadiyan inaan qaranka Somaliland u gacan galin fidno-wade.

Wa bilaahi tawafiiq

QALINKI:.Khadar kaariye cune

COMMENTS