BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Bil Gudahaaed AFar Laami Ka Dhistay June Iyo Koodbuur Iyo Axmed Dhagax& 31 May oo La Ildaran Waddo Xumo
August 23, 2017 - Written by editor

maamulka dawladda hoose ee hargeysa ayaa isku bedelay maamul cadaalad darro iyadoo ay meeshu noqotay goob uu danaha reerkooda kaga shaqeeyo maayarka fadhiidka noqday ee soltelkocarablaw

 

soltelko ayaa ku guulaystay inuu xaafadooda u dhiso in ka badan abaatan waddo oo laami ah mudadii uu meesha joogay iyadoo bishii u dambaysay uu xaafada uu ka soo jeedo ka hirgaliyay afar waddo oo laami ah kuwaasoowaliba ah nooca rooga loo yaqaan.

ku darsoo wadooyinkii waawaynaa ee degmadda axmed dhagax ayaa iyagu haawanaya kadib markii ay ku fashilmeen wax ka qabashadooda xildhibaanadii laga soo doortay oo iyagu noqday qaar calooshood u shaqaystayaal ah halka ay deeganadii ay ka soo jeedeen waddo xumaan la ildaranyihiin.

si kastaba ha ahaatee bulshadda degmooyinka axmed dhagax iyo 31 may waxa la gudboon inaanay wax cashuura bixin maadaama oo cashuurtoodii noqotay mid la iska cunno oo aan u keenin waxqabadkii ay xaqqa u lahaayeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS