BALIGUBADLE MEDIA
Dastuur Aan Lagu Dhaqmayn Somaliland Baa Leh. W/Q : Sharmarke Cabdi Ibraahim ( Dhuux ).
August 30, 2017 - Written by editor

Marka hore aan salaan guud gaadhsiiyo shacabka ku nool Jamhuuriyadda Somaliland. Mar ka labaad aan salaan gacaltooyo gaadhsiiyo intii magacayga iyo muuqayga ba taqaan. Salaan ka bacdi waxaan jeclaystay inaan idinla’ wadaago maqaal kooban oo aan doonayo inaan ku iftiimiyo  Dastuurka dalkeenna oo laga tallaabsaday, isla mar ahaantaas na aan diyaar loo ahayn in lagu dhaqmo. Inta haddaba aanan gudo gelin maqaalkayga aan kolka hore isku dayo inaan sharxo ama aan qeexo kelmedda Dastuur “ Constitution “.  Dastuur qeexiddiisu waxa weeye “ waa Qaanuun ka ama heshiiska ugu sarreeya ee xaddida haykal ka aasaasiga ah ee dawladi leedahay iyo nidaam ka xukunka ee xeer u ah Shacab ama Bulsho nidaam

wadaag ah “  si kale haddii aynu u dhigno Dastuurka waxa aynu ku qeexi karnaa “ Dastuurku waa heshiis Bulsho ka dhaxeeya, kaas oo qeexaya xidhiidhka ka dhaxeeya Muwaadiniinta dalka u dhashay iyo Dawladooda, waana axdi caddaynaya nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, siyaasadda dalka, waajibaadka dawladda iyo xuquuqda muwaadiniintu dalka ku leeyihiin. Waxa sidoo kale uu caddaynayaa nooca xukuumadda dalka ka jirtaa tahay. Tusaale, dawlad Boqortooyo ku dhisan, dawlad  federal ku dhisan ama dawlad dhexe keliya ( Unitary Government ).

Intaas haddii aan kaga soo gudbo Dastuurka iyo qeexistiisa, aan u soo gondo dego maqaalkayga. Waxa aan gacanta ku hayaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu ka kooban yahay 130 qodob oo si fiican loo tifaftiray. Dastuurka waxa uu soo maray marxalado kala duwan midkastaana mudnaantiisa leeyahay. Shirweynihii guurtida beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada Boorama 24kii bishii Jeenaweri sannadkii 1993 ilaa 25kii bishii May 1993 ayaa lagu guddoonsaday Axdiga qaranka kaas oo .

. Waajibiyey in muddada kala guurka ah la diyaariyo, aftina loo qaado dastuur qaran oo beddela Axdiga qaranka.

Si cad u taabtay mabaadi’da dastuurka qaab-dhismeedka dawladda iyada oo uu ku qanacsan yahay xaqa aanu cidina ka duudsiyi Karin ee uu u leeyahay aayo ka tashigiisa.

Diyaarinta dastuurku waxa uu soo maray marxalado iyo guddiyo kala duwan, oo ay ka mid ahayd guddidii isku soo-dubbarididda dastuurka ee shirweynihii 3aad u xilsaaray isku shaandhaynta labadii nuqul taariikhdu kolkay ahayd 26/11/1996, uguna danbaysay kaabiddii iyo wax ka beddelkii labada gole baarlamaan kolkay taariikhdu ahayd 30kii bishii Abriil sannadkii 2000. Dastuurka waxa lagu saleeyey arimahan soo socda.

b. shareecada islaam ka

t. go’aan qaadasho ku timaadda talo wadaag

j. isu-dheellitirnaanta dawladnimo oo u qaybsanta sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka,

x. baahinta iyo hoos-u-daadejinta hawlaha xukuumadda ( Decentralization ).

Kh. Dammaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhawridda suuqa xorta ah.

d. qiimo-weynida nolosha qofka oo la imanaysa sugidda xaquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.

r. nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha iyo adduunweynaha.

31kii bishii May sannadkii 2001 ayaa shacabka Somaliland waxay si toos ah afti ugu qaadeen dastuurkan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay boqolkiiba sagaashan iyo toddoba ( 97% ) ku ogolaadeen inuu sidaas ku noqdo dastuur qaran oo dhamaystiran. Laga soo bilaabo maalintaas dastuur ka loo qaaday aftida ee shacabku ogolaadeen inuu dastuur qaran yahay waxa waajib ahayd in sidiisa loogu dhaqmo maadaama dadku ay ogolaadeen in isaga laysku xukumo. Waxaa iyana reebban in qodobada dastuurku jideeyey qaar ka mid ah laga tallaabsado qaar ka mid ah na lagu dhaqmo.

Waxaan qodob qodob isu dul taagay 130 qodob ee dastuurka dalkeennu ka kooban yahay. Waxaa isoo baxday in si cad oo badheedh ah looga dul tallaabsaday qodobo muhiim ah oo dastuurkeenna ku jira. Waxa isoo baxday  qodobada ku jira dastuurkeenna qaar ka mid ah oo aan inta badan madaxdeenna qaban, halka bulshada oo keliya loo adeegsado. Waxa ii soo baxday madaxdeennu inaanay ku dhaqmin dastuurka dalka. Waxa isoo baxday gollayaashi ku shaqada lahaa ilaalinta sharcigu inay ka hurddaan hawshoodii. Waxa ii soo baxday in garsoorkeennu aanu ku shaqayn awooddiisii sharci ee uu xaqa u lahaa. Waxaa ii soo baxday shacabku inaanay dastuurkooda waxba ka aqoonin. Dastuurkeena waxa ku jira qodobo si badheedh ah loo jebiyey cidd ka hadashaana aanay jirin. Waxaan maqaalkaygan ku soo qaadanayaa qayb ka mid ah qodobada sida badheedh ka ah loo jebiyey ee dhugasho wanaagsan.

1. qodobka 6aad. Afka.

Qodobka 6aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu odhanayaa.

1: afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga, Afka labaadna waa Afka-carabiga.

2. Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.

Afka rasmiga ah marka la leeyahay waa in lagu hadlaa, wax lagu qortaa, wax lagu bartaa, waxna layskugu gudbiyaa. Intaas markaad fahanto ayaad si cad u xaqiiqsanaysaa in gebi ahaan ba qodobkan si cad loo jebiyey loogana tallaabsaday. Bal u fiirso, hay’addaha dawladdu kolka ay wax is dhaafsanayaan ma adeegsadaan Af-Soomaali? Wakaaladaha dawladdu ma adeegsadaan Af-Soomaali? Qaan-sheegaha lagu caddeeyo lacagaha bulshada lagu leeyahay ma ku qoran yihiin Af-Soomaali? Ka waran tacliinta Af-Soomaali ma lagu bartaa? Si toos ah baa qodobkaas loo jebiyey. Waxaa isna la jebiyey qodobkan qaybtiisa danbe oo ah Afka labaad ee dalku waa Af-Carabi. Miyaad aragtay cid wax ku qoranaysa Afka Carabiga? Ma jirto. Si cad baa qodobkaas loo jebiyey.

Xubinta labaad. Mabaadi’da guud

Qodobka 8aad. Sinnaanta muwaadiniinta.

Qodobka 8aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu odhanayaa

1: Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta IWM, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.

2: kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku wey reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhibtirayo dhaqanada xun-xun ee soo jireen ka ah waa waajib qaran.

Waa qodob labaad oo isna si toos ah loo jebiyey. Muwaadiniinta Somaliland sharciga hortiisa uma sinna. Marka la leeyahay sharciga waa loo siman yahay, macnaheedu waa madax iyo minjo sharciga ayaa ka sarreeya oo wada qabanaya. Miyaad aragteen mas’uul sharcigu qabtay oo caddaaladda la horkeenay? Miyaad aragtay mas’uul sharciga ka hooseya? Farqadda labaad ee qodobkan waxa uu leeyahay takoorka issirka iyo abtiriga iyo dhalashada deegaan ku waa reebban yihiin. Takoor issir ku salaysan ayaa Somaliland ka jira, abtirsi iyo kala sheegasho deegaan ayaa dalkeenna ka jirta. Saw may ahayn in qodobkaas lagu dhaqmo? Miyaad aragtay cid ku dhaqantay qodobkaas? Saw si cad oo badheedh ah kaas na loo ma jebin?

qodobka 11aad. Dhaqaalaha dalka.

Qodobka 11aad ee dastuur ka Jamhuuriyadda Somaliland farqaddiisa labaad waxa uu odhanaya

2: Iyada oo la dhawrayo inaan habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysanin, si aanay u balaadhanin farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga waxa dawladda Jamhuuriyadda Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulshada iyo fursadaha dhaqaale si caddaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.

Waa qodob kale oo si toos ah loo jebiyey. Bulshada Somaliland maanta kolkaad eegto heerkooda dhaqan-dhaqaale waa mid aad u kala fogaaday. Waa bulsho u qaybsan dabaqado nololeed. In yar oo kooban ayaa maanta dhaqaalihii waddanka gacanta ku haysa. Bulsho isku dabaqado ah miyaad ku aragteen dalkeenna? Haddii dastuurka lagu dhaqmayo maxaa qodobkan loo adeegsan waayey?    Saw maaha qodob si cad loo jebiyey?.

Qodobka 13aad. Baananka

Qodobka 13aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu odhanayaa

Dawladdu waxa ay yeelanaysaa Baan dhexe oo hogaamiya siyaasadda iyo ilaalinta  lacagta dalka. Waxa kale oo la suurto-gelinayaa Baanan ganacsi iyo horu-marineed iyada oo mudnaanta la siinayo kuwa gaar ahaaneed.

Haye ma yahay qodobkani mid shaqeeya? Saw maaha qodob kale oo si aan gabbasho lahayn loo jebiyey? Meeye Baanan ka ganacsi iyo horu-marineed ee qodobkani sheegay? Saw maaha qodob muhiimadiisa leh oo laga tallaabsaday?

Qodobka 15aad. Waxbarashada, dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Qodobka 15aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland farqaddiisa afraad wuxuu odhanayaa

4: muwaaddiniinta iyo shisheeyaha dalka deggani waxay furan karaan dugsiyo iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababarro heer kasta ah oo waafaqsan xeerka waxbarashada.

Isla qodobkan farqaddiisa siddeedad wuxuu odhanayaa.

8: si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaan ka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda dawladdu waxay ahmiyad gaar ah siinaysaa horumarinta iyo dhiiri gelinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka aas aasiga ah oo ka mid ah manhaj ka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale ba.

Qodobkan qayb ka mid ah faqradihiisa waa mid si toos ah looga dul talaabsaday siiba labada farqadood ee afraad iyo siddeedad. Waddan ka waxa ka furan dugsiyo gaar loo leeyahay ( private ) kuwaas oo haba yaraatee aan raacin xeerka manhajka waxbarashada Somaliland. Dugsiyadan manhajka lagu bartaa waa mid laga soo min guuriyey waddamo qalaad sida Masar iyo Suudaan. Saw maaha qodob isna la jebiyey oo laga dul talaabsaday? Isla farqadda siddeedaad ee qodobkan isna kolkaad eegto waxaa kuu soo baxaysa in isna la jebiyey. Ciyaaha iyo isboortiga waxay ahayd in manhaj ka tacliinta lagu barto si maskaxda iyo jidhka ardayda kor loogu qaado. Miyaad aragteen manhaj ay ku jiraan ciyaaraha iyo isboortigu? Qodobkan haddii aan lagu dhaqmahayn maxaa dastuurka loogu daray? Isna saw maaha qodob la jebiyey?

La soco insha allaah qaybaha danbe……………

W/ Q : Sharmarke Cabdi Ibraahim ( Dhuux )

Email : sharmarke09@outlook.com

Phone : 0962198794

Lives Addis Ababa, Ethiopia

COMMENTS