BALIGUBADLE MEDIA
Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka awdal Oo Soo Dhoweyey Shaqo ka joojinta Gudoomiyaha Gobolka Awdal
August 29, 2017 - Written by editor

waxaa Malinba maalinta ka danbaysa isa soo tarayey shaqo xumada Iyo Boobka Gudoomiyaha gobolka awdal Mustafe Ciise Shiine Oo ah Gudoomiyihii ugu waxqabadka liitaya xukumada kulmiye intii ay jirtay.

Dadka sida Dhow ula socday ay sheegen intii u gobolka awdal joogay u ku hawlana isku dirka iyo khalkhal gelinta Beelaha wada dega Gobolka awdal.

Gudoomiyaha ayaa bilaabay Dhulboob Danta Guud isago ka fa’idaysanaya waqtiga kala Guurka iskuna qanciyey in aan waxba laga qaban karin Hagar daamooyinka u ku hayo shacabka walalaha Ee Gobolka awdal .

isago inta badan aan ka soo xaadirin Xafiiska Gobolka, waqtiga intiisa badan ku lumiya Hotelada ku yaala Casimada Hargeysa,taasina ay sababtay in shaqadii qaranka loo igmaday

faraha ka baxdo.Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka awdal ayaa si farxadleh u soo dhoweyey Shaqo ka joojinta lagu sameyey Gudoomiyaha fadhiidka ah Iyadao Dhowr Jeer Laga Soo Gudbiyey Cabashooyin.

waxaanay shacabka ku hambalyeyeen Talabada u qaaday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxaman ismaaciil Saylici.Taas oo Mar hore loo baahna in laga qaado Gudoomiyaha gobolka awdal ee shaqadii qaranka ku fashilmayBottom of Form

COMMENTS