BALIGUBADLE MEDIA
WIXII AAN KU SOO ARKAY DHAQTARKA WEYN EE HARGAYSA ( golofesyo soo iibso ) qaybta 1 aad QALINKII Cabdi Cawiye
May 19, 2017 - Written by editor

14 bisha may goor ay tahay 7:58 daqiqo xaafada goljano ayaa waxa meel dukaana soo galay

inan yar oo ay eryanayaan laba askari markiba ninkii dukaanka ayaa la hadlay askartii oo yidhi “

waar waa inankii dukaanka ila hayey ee ciyaalo xaafadkii maaha “. Haba odhan lahaydee mid

askarta ka mid ahaa ayaa dhibaaxo dhabanka kaga balaadhiyey mulkiilihii dukaanka dabadeed

dumar ka dhawaa meesha ayaa dhawaaqo iyo qaylo isku daray ka dib dumar badan ayaa soo

ururay oo meeshii kusoo xoomay.

Mid kale oo askarta ka mid ahaa ayaa xabad si kama ah iskaga riday dabdeed waxa ay haleeshay

inan dayar ah oo gurigooda kasoo baxday oo da’deedu ahayd 14 sanno inanta yar xabadu

waxay ka dhex baxday caloosha oo ay jiidhay.

Ka dib tacab iyo dhibaato iyo jahanwareer inantii yarayd waxaa lagula cararay cibitaalka wayn

ee magaalada hargeysa saacadu waa abaaro 8:30 habeenimo kadibna waxaa la geeyey goobta

qalinkii markii aanu masuuliyiintii loo tagay hadalkii u horeeyey ee lagu yidhi waxay ahayd

“masoo bixiseen lacagtii qaliinka “ yaab amakaag iyo anfariir inan meesha taagnaa oo qoyska

inanta yar ka mida ayaa ku yidhi “ walaal lacag la waayi maayee nafbaa go’aysee horta inanta

yar badbaadi”. Yaab waxa uu ugu jawaabay ninkii qaybt qaliinka haystay “ kaadhkii lacagta aad

ku soo bixisay oo aad ii keento mooyaane ha u fadhiyin in far la saaro “

Allahu akbar hadada inanta yar waxaa xabada ku dhuftay waa askari dawlada ka tirsan waxa

loo diidayaana waa dhaqtarkii dawlada, intaa ka dib waxaa lacagti soo bixiyey inan khayr badan

oo ehelada ka mida. Markii uu keenay kaadhkii ayaa waxa kazoo yeedhay masuulkii dhaqtarka

dawooyinkaa soo iibso gacamo-gashi ama ( gloves) na soo iibso iyo 8 irbadood oo number 2 ah.

Haddaba markii lasoo iibiyey ayaa waxa kasoo yeedhay ninkii masuulka ahaa inantu waa bilaa

dhiige dhiig dad u shuba keena, waxa lagu yidhi dhaqtarkii inanta dhiiga baanka yaala noogu sii

shub aanu dad la dhiiga aanu doonanee intii uu meeraysanaayey ayaa waqtigii gaadhay 10:30

habeenimo hada u fiirso saacada la keenay inanta dhiigu ka socdaana waa 8:30

habeenimo waa immisa waqtiga ay inantu qaliinka sugaysay

(10:30pm – 8:30 pm = 2 hours )

Bal hada u fiirso waqtiga ay dhaqtarka iyo qaliinka sugaysay waa 2 saacadood waana qof

nolol iyo geeri u dhaxaysa

Yaa inoogu wacan in dadkeena muwaadiniinta dawadii hayaduhu bilaash ku bixiyeen dadkii

kaba dhintaan.

Immisa qof ayaa u dhinta lacag daraadeed dhaqtarka guud ee caasimada.

Waxaan soo gubindoonaa maqaalada dambe dad badan oo aan waraysatay oo qaarkood ay ii

sheegeen in shaqo xumo iyo iimaan la,aan dhaqaatiirta haysata daraadeed ay u waayeen

caruurtoodii oo lagala daahay gargaarkii qaliinka lacag daraadeed

LASOCO……..

TELL 0634115877

GMAIL SHAYWAAL12@GAMIL.COM

HOTMAIL CAWIYE17@LIVE.COM

 

Baligubadlemedia masuul kama aha argtida dadweynaha

COMMENTS