BALIGUBADLE MEDIA
Turkiga oo dalbaday in Mareykanka badalo safiirkiisa Suuriya
May 18, 2017 - Written by editor

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa waydiistay Mareykanka inuu shaqada ka eryo wakiilkooda gaarka ah ee Suuriya Brett Mcgurk kaasi oo uu ku eedeeyey inuu si cad u taageeray milishiyaadka Kurdiga ee YPG.

safiir siya

Mr Cavusoglu oo wareysi siiyey Telefishinka Turkiga laga leeyahay ee (NTV) wuxuu ku gacan sayray dooda Mareykanka ku dooday oo ah in jabhadi YPG ay gaar ka tahay oo ka duwan tahay jabhadda kale ee Kurdiga ee PKK oo Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ugu shaabaydsan koox argagixiso.

Maamulka Trump ayaa go’aansaday todobaadkii tagay inay hubeeyaan xoogagga YPG si ay u balaariyaan dirirta ay ku hayaan magaalada Raqa oo ah xarunta kooxda la baxday dawladda Islaamiga ah.

Mr Cavusoglu wuxuu sheegay in sidoo kale Jarmalka uu ka tanaasulo hadhaqankiisa islawayniada ah iyadoo ay sii xoogaysanayso muranka soo bilowday bishii February ee sanadkan taas oo ka dhalatay xarigii wariye telefishin Jarmalka laga leeyahay oo lagu magacaabo Deniz Yucel.

Source BBC

Isha ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS