BALIGUBADLE MEDIA
Shirkii london ee somalia guulaha dahsoon ee s/land ugu jiray iyo 2 dan tallaabo oo mahuraan u ah somaliland hirgalintood . Dr.khadar-Libaaxley.
May 14, 2017 - Written by editor

Sida laga wada warqabo waxa uu ahaa shirweyne masiiraya oo lagu lafa-

guray muhiimado badan oo dhan-waliba quudareynayey fulitaanka danaha u

khaaska ah marka ay mudnaato iyo xilligeeda haboon, hayeeshee laga sii

wada shaqeeyo jawigii ay ku bislaan lahaayeen danaha dhinacyada badnaa ee

lala wada shiryimi; waxa dulucda shirku ahaa sida ay tibaaxeen kasoo

qaybgalayaashii daneynayey iyo ergooyinkii xubno sharafeedka ahaaba in uu

shirkaasi dulucda sumadiisu aheyd ( arimo door ah oo khuseeyey ammaanka

somalia iyo geeska afrika ).

Fariimaha dahsoon ee gaarka ku ahaa iyo dulucda shirkaasi xambaarsanaa :-

1. waxa dhab ahaan si toosa iyo si dadban intaba ula wareegay arimaha

somalidida khuseeya ( 4 dal oo kala ah Britain, USA, Turkey iyo UAE ) oo

ingiriisku intaba odayga guud u yahey, isla markaana dawadii Italy ee

gumaysatay koonfur ay si rasmiya meesha iyo saaxadaba ka huleeshay.

2. Shirkaasi waxa si buuxda oo dadban loogu aqoonsaday jamhuuriyada

barakaysan ee somaliland maadaama oo shirkaasi sitay magaca somalia ,

qabsoomayna iyada oo aaney (somaliland ku jirin raalina lagu wada ahaa

dhamaan ka sooqaybgalayaashiina markhaati iyo shaambad u ahaayeen

cadaan ah ), waxa xusid mudan in shirkaasi ay markhaati buuxa ka ahaayeen

( somaliland somalia ka mid aheyn doorkaasi iyo dabadeed ) dhamaan ka

qaybgalayaashii oo kala ahaa ( dhamaan dawlad goboleedyadii somalia oo

watay madaxweynahoodii fadaraalka , east african community countries +

african union leaders + xoghaya guud ee qaramada midoobey + raisal

wasaarada ingiriiska oo xataa uga baaqsatay ololihii xisbigeeda kulankaasi. ).

3. maamuuska ,hab-dhaqanka iyo jawiga dawlada ingiriisku ku qaabilay

shirkani waxa uu tibaaxayey tusmo tilmaameedka odhanaya ( doqoni caro

loogu tuuray sad-bursiinyo mamoodo ) marka la akhrinaayo aragtida dhanka

somaliland dawlada ingiriisku waxay ay ( sid dad-ban ugu sheegayeen dunida

iyo dhamaan ka soo qaybgalayaashii shirkaasi ku wargalinayeen in somaliland

aanay ka mid aheyn somalia; isla goobtaasna ay dunida ku baraysay dawlada

guud iyo dawlad goboleedyada somalia la isku yidhaahdo oo kaliya ).

4. soomaalida wax u diidayaa in aaney jirin in ay sida carabta , ama reer yurub

wadamo badan oo kala dano ah noqon karaan; sax iyo dheeraadna wey tahay

shaxdaasi.

5. dhamaan hishiisyadii la isdhaafsaday waxa ay khuseeyeen kaliya dawlada

dhexe ee soomaaliya iyo dawlad goboleedyadeeda koonfureed; horay taasi

waxa u labeynayey in ( world Bank 6 bilood ka hor markii uu jaangoynaayey

miisaaniyada soomaliya ku saleeyey kaliya dawlada dhexe iyo dawlad

goboleedyayeyda ).

Dawlada somaliland waxa la gud-boon arimahan hoose !!!

1. Ciidamada loo tababarayo dawlada somalia in dawlada somaliland hesho

qaybteeda ; iyadoo wax hishiis ah oo cusub la galin balse dawlada somaliland

arintaa kala xidhiidho dawlada ingiriiska iyo imaraatka carabta oo somaliland

lafteeda loo tababaro ciidamo lamid ah kuwaa koonfurta loo tababaraayo oo

ay waliba dawlada ingiriisku ama imaaraatku wakiil ugu ahaado arimahaasi.

2. Mar hadii aan wali somaliland iyo somalia si rasmiya u kala bixin balse uu

socdo geedi socodkii iyo hanaankii lagu kala xadhig furan lahaa in ( dawlada

somaliland hesho qaybteeda dhamaan deeqaha la filaayo in lagu xoojinaayo

somalia ama lagu galado dawlada somalia ee lagu balan qaaday goobtii iyo

goobaha kalaba ) siyaasad furfuran oo aan isdhiibid dadban iyo mid

dabacsantoona la hayn waa horseedka guusha somaliland hadii ay hesho cid

u jisha sida ugu macnaha badan, ugu xirfada badan, uga midho dhalinta

badan.

3. somaliland ha ku bishaaraysato in aan dawlada ingiriisku hoojinaynin

somaliland hayeeshee aanu ingiriisku danihiisa gorgortan galinaynin , waxa

muuqata mar ay noqotaha dawlada ingiriisku si buuxda u aqoonsandoono

markale jamhuuriyada somaliland allow soo dhawee waa waxaan dhawrayee

maqane !! insha’allah guul .

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

 

Baligubadlemedia masuul kama aha aragtida dadweynaha

COMMENTS