BALIGUBADLE MEDIA
Raiisal Wasaaraha Somaliya Oo Kormeeray Dekeda Magaalada Muqdisho
May 18, 2017 - Written by editor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta kormeeray Dekeda Magaalada Muqdisho. Waxayna kulan looga hadlayay dardargelinta hawlaha shaqo la qaateen Maamulka Dekeda.

aaaaa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Maamulka hawlaha ka socda Dekeda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna weydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman Dekeda Muqdisho. Isagoo la fallanqeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhow ee la rabo in wax looga bedelo qaab dhismeedka Dekeda.

Dhanka kale wuxuu Maamulka Maaliyadda, gaar ahaan qaybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda Dekeda iyo meelaha ay ku baxaan, waxaana uu madaxda ugu baaqay inay ka fogaadan musuq maasuqa, oo uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dowladnimada.

“Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isgoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa in aad sheegtaan,waxaan idin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno.” Ayuu yir Ra’iisal Wasaare Khayre.

Khayre ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda Dekeda, iyadoo ka dalbaday Maamulka iyo shaqaalaha in ay sii wadaan hawsha ay Qaranka u hayaan.

a aa aaa aaaaa

Isha ku hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS