BALIGUBADLE MEDIA
Muddane Adigaa Gacantaada Ku Aasay Lacagtii Qaranku Lahaa “W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)”
May 12, 2017 - Written by editor

 

 

Hordhac:Qoraalkani waa fariin kusocota ugu horeyn Madaxweynaha Somaliland, Goolaha wakiilada Somaliland iyo guud ahaan shacabka muwaadiniinta ah ee Somaliland”.

 

Waxay ahayd 02-Abril-2011 markii xukumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay soo saartay go’aan ay ku dhaqan gelinayso lacag cusub oo kusoo korodhay lacagta waraaqaha ah ee Somaliland ka jirta, isla todobaad kahor dhaqan gelinta madaxtooyadda, goolaha Wakiiladda ee Somaliland ayaa meel mariyey ogolaanshaheeda, sidaasna waxaa lugu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda oo uu wakhtigaas akhriyaayey Afayeenkii madaxtooyada Cabdilaahi cukuse oo maantan ah wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland.

 

Waakan nuqul kamid ah go’aankii Madaxweynaha oo ee dhaqan gelinta lacagta cusub, isaga oo uu Cabdilaahi Cukuse akhriyaaya wuxuu ku bilaabay “Madaweynaha  Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta soo saaray Xeer Madaxweyne oo lagu Dhaqan-gelinaayo Daabacaada Noodhka Shilinka Somaliland kana Bilaamanta Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland.

Markuu Arkay: Qodobka 54aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Markuu Arkay: Qoraalada codsiga ah ee Gudoomiyaha Baanka Dhexe. Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-14/513/2011, ee Ansixinta Daabacaada Noodhka Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland. Wuxuu Soo Saaray: Xeer Madaxweyne oo ah Dhaqan-galka Daabacaada Noodhka  Kun-ka iyo Shanta Kun ee Shilling-ka Somaliland”.

 

Go’aankaas madaxweyne maalintaas kadib waxa uu ka dhigay lacagtii dalka mid qayb kamid ah bulshadu taageerto oo jeebadaha ay ku buuxsadaan iyo in qayb kamid ah la takooro isla markaana ay noqodo xashiish aan waxba lugu falin, oo qof kasta oo aad wax kaga iibsataa kula yaabo.

 

Lacagihii 5-ta shilling, 10-ka shilling, 50-ka shilling iyo 100ka shilling-ba waxa noqodeen kuwo ay hafiyaan noodhadhka lacagta cusub ee 1,000-ka shilling iyo 5,000 ee shilling. Anigu waxaan garaadsaday iyadda oo waalidiintu 5-ta shilling iyo 10-ka shilling noosiiyaan in aanu nabaadka kagasoo iibsano tukaamadda, isla markaana waxaan garaadsadday iyadda ay qiimo leeyihiin lacagahaas kaladuwan ee dalka soomaray, tusaale ahaan dugsigii hoose dhexe ee aan waxbarashadda ka bilaabay waxa macalinku bisha naga qaadi jiray 2,000 oo Somaliland shilling ah, ha u arkin in aan wakhti dheer kaga sheekaynaayo ee waxay ahayd 2000 ilaa 2005-tii, wakhtigaas aan sheegaayo lacagta baska ee maanta lugu raaco 1,500, wakhtigaas waxa uu ahaa 400 oo shilling, fidhiqada gaasta ah ee tukaanka aanu kasoo iibin jirnay waxay ahayd wax kayar 100 shiling oo Somaliland ah, Hadii aan waxbadan kuu sheego waxay kugu noqonaysaa layaab iyo rumaysasho la’aan, ma ogtahay mudane in marmarka qaar inta aanu urursano lacagta lanoo siiyo nususaacaha dugsiga marka ay gaadho 500 oo shilling in aanu suuqa dhar kaga iibsan jirnay.

 

Kasoo gudub waxaas oo dhami maanta waa ay isbadaleen, waa xaqiiq oo qofka nool ee ilahay abuuray baaba isbadelaya, laakiin maanta maxaynu ku jirnaa?, Dalkeena waxaa ka jira qiimo dhac lacageed, sicir barar baahsan iyo abaaro muddo dheer soo jiitamaayey. Aan ka hadlo qiimo dhaca lacageed, hadii aynu dhamaanteen Madaxweyne, Golayaasha, Shacabka, isweydiino lacagteenii yaryarayd ee dalkani lahaa meeday?, ma jirto hal qof oo sida dhabta ah uga jawaabaya halka ay ku kaydsantahay ama halka lugu kharash gareeyey. Anigu waxaan xasuustaa in maalin maalin  lacagtii 10ka iyo 50ka shilling ahayd marka ay wax ii goyn waayaan xitaa ku dhex xabad nabaad ah, aan kaga tago tukaamadda. Su’aashu waxay tahay yaa dayaca lacagtaas?, Lacagtii wadanka lugusoo aasaasay waxaynu u bixinay magaca “Giim-baar”, waxana astaan looga dhigay Askarta oo keliya, taas oo Askartuna dhib kala kulmi jirtay marka ay isticmaalayaan, waayo Madaxweyne siilaanyo wuxuu na tusay lacag cusub oo da’a ahaan aan naga horeyn laakiin aanu anaku ka horayno, sidii lacagtii hore loo nacaayeyna waxay noqotay mid xashiish ah, aakhirkiina lacagtii cusubayd ee Madaxweyne Siilaanyo inoo keenay waxay noqotay mid aan lahayn “Sir-sir”, taas oo ganacastadii ku qasabtay in ay isku dheeli tiraan qiimaha lacagta iyo alaabta ay iibinayaan, fidhiqadii gaasta ahayd ee aan kusoo sheegay in 100 shilin lasiin jiray 2004tii, 2011kii waxay noqotay 500 oo shilling, halka maanta meelaha qaar ay ka marayso 1,000 shilling, waa kaas isbedelka dhabta ah ee ku dhacay lacagtii wadanka ee aynu jecelayn, waata keentay in sanadba sanadka kadambeeya aynu ka cabano sicir barar iyo qiimo dhaca lacageed oo aynaan ogayn meesha uu inaga raacay, horaa looyidhi “Doqoni qufacaday laakiin may garan halka laga raacay”, inaguna mudo ku dhawaad 15 sano sidii ayeynu kusoo jirnay, ilaa maanta ay soo gaadhay in 1 doolar lugu sarifo 10,000 oo Somaliland shilling ah, halkii waagii hore aan doolarba la aqoonin, ama uu ahaa wax kayar 6,500 oo Somaliland shilling ah.

 

Mudane Madaxweyne, Mudane Xildhibaan, Mudane shicib adiga laftaada ayaa gacantaada ku aasay lacagtii qarankani lahaa, yaanan nin walba dembi aanu gelin dusha ka saarin, ee aan mid mid idiin kala qaado oo aan mid walba doorka uu aasida lacagtii ku lahaa u sheego.

 

Mudane Madaxweyne Axmed Siilaanyo: Doorka aad ku lahayd aasidii lacagtii qaranku waxay ahayd adiga oo soo saaray go’aan aan mudo badan la baadhin, go’aan aan mudo badan laga fikirin, go’aan aan mudo badan la lafo-gurin, go’aan aanad ogayn khasaaraha iyo faaidada uu dalka ku keeni karo.

 

Mudane Xildhibaan (Wakiiladda): Waxa aad farta u taagtay wax aanad cilmi iyo caqli toona ku baadhin, waxaad eegtay dantaada gaarka ah iyo shaqadaada oo waxaad isku aragtay nin wax qabatay, fariintii madaxweynuhu kaaga dalbanaayey aansixinta noodhadhka cusub waxaad u aragtay amar madaxweyne, laakiin umaad arag in shaqadaadu tahay metelida shacabka iyo in aad ku timi farta aad taagtay oo maalintii doorashadaada shicibka khad madow loo wada geliyey.

 

Mudane shicib (Qof kasta oo bulshadda ah): Doorka ugu weyn adiga ayaa qaatay, oo gacantaada ku aasay lacagtii dalkani lahaa, maalintii waxaasi dhacayeen waxaad ogeyd dhibta iyo dheefta lacagtani leedahay, waxaad ogeyd xaqiiqada iyo beenta go’aankan, kamaad hadlin ee waxaad ku taageertay aamus iyo daawasho oo keliya, maantana adiga ayaa ugu cabasho badan oo sicir barar, qiimo dhac lacageed, burbur, nolol adag, warbaahinta lasoo taagan oo u sheegaya cid aan noloshaadaba waxba ka ogeyn sida aad tahay iyo sida wadanku yahay, adkayso ileen adigaa maalintii ay taagnayd ka aamusaye.

 

Gebo-gebadii: Qoraalkaygan waxaan kusoo gebo-gebaynayaa in dhamaanteen aynu masuul kanahay qiimo dhaca lacagteena iyo sicir bararka dhalkeen ka jira, waxaanan sheegayaa inta ay sidani socoto in aynaan kabaxahayn weliba aynu gaadhayno meel maanta kasii daran, oo aynu dib u xasuusan doono nolosheenii hore ee dalka iyo dadkuba soomaray, laakiin waxaa iga dardaaran ah in aynu lacagteenii kala duwanayd boodhka iyo habaaska kasoo tuno, isla markaana Madaxweynuhu waa Axmed siilaanyo ama ka kale ee iman doonaa uu lacagta dalka dib ugu celiyo sidii ay ahayd sanadadii 2000 ilaa 2010 kii.Wabilaahi tawfiiq

 

Suxufi, Qoraa madax banaan

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

+252-63-445-7401 / 63-403-8503

E-mail: Xamse18@gmail.com

www.facebook.com/wiyeeer

www.twiter.com/shaadhey

www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa-Somaliland

 

Baligubadlemedia masuul kama aha  aragtida dadweynaha

 

COMMENTS