BALIGUBADLE MEDIA
markale shacbi waynaha reer baligubadle ugu naanays bixiyeen dayaxii hawd
May 14, 2017 - Written by editor

Wasiir khaddar xaaji Yuusuf wasiirka wasaarada dalxiiska iyo dhaqanka  Somalilad Waxa uu  Ka mid yahay aqooonyahanka Somaliland sido kale waa macalinkii iyo soo saarihii bulsho aqoonyahan ah islamarkaana waxa uu 25kii sanno ee u danbeyay ahaa warshadii soo saarka da,yar xambaarsan kuna jeeni qaran aqoonta.WASIIRKA DAlxiiska Somaliland khaddar xaaji yuusuf waxa kale oo uu caan ku ahaa ka shqayntii Hay’adaha khayriga ah iyo kuwa samo falba.

Tan iyo dib u dhiskii wadanka waxa wasiirka dalxiska iyo dhaqanka Somaliland ahaa mid diyaar u ah soo saarka bulsho ku jeeniqaran aqoonta,barashada cilmiga iyo waliba ka shaqaynta arimaha bulshada oo uu ka soo qatay door wayn waa aoonyahan alle ku galladay karti Iyo Aqoon Wixii Ilaahay Siiyayna ugu Adeegay-Qarankiisa  Somalilan.

 

Hilladii 2016/Dec/03/ waxa madaxweyneha jamhuuriyada Somaliland AHMED MAHAMED M.SIILANYO degreeto usoo saray isla markaana  sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4377/122016 u magaacaby wasiir khadara haaji wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland,wasaradan oo ahayd mid qaranku u baahna islamaraana qiimo badan ugu fadhida jamhuuriyada somalland.Hawlkarni,dedaal,iyo waayo aragnimo badan waxa wasiir khaddar u kacay yagleelka wasaarada cusub ee madaxweynaha qaranka Somaliland u magacabay,habeen iyo maalmo dhawra gudahood waxa uu guda galay sal u dhiga dhismaha cusub ee wasaarada isagoo isla waqti xaadirkaa aad arkaysayo dedaalka habeen iyo  maalin laha ahaa ee uu ugu jiray dhimsmaha wasaarad markaa ku cusbayd somalilnd.Nasiib wanaag waxa uu ku guulaystay inuu yagleelo wasaaradii cusbayd si dhamaystirana manta u qabata hawl maalmedkedii caadiga ahaa.

 

Maalmo dhawra kadib magacaabistii wasiir khaddar waxa uu safar ugu baxay isaga iyo wafti culus oo uu hogaminayay degaankii uu u matelay xukumada isagoo kala kulmay soo dhawayn martiqaad diiran ka helay degaankii uu kasoo jeeday,halkaasii oo ay bulshawaynta,qoorwaynta,aqoonyahanka iyo dad yawga ku dhaqan gobalka hawd kusoo dhaweeyen gacmo furan kalfurnaan iyo jawiyo farxaded. 8/DEC/2016KHudbadisii  u horaysay ee uu u jeediyo shacabi waynaha ku dhaqan deganka bali gubadle ayaa wuxuu kaa hadlay bilawga waxqabakisa waxanu yidhi

 

“Baligubadle markii horeba waan ahaa ma ahi mid ka shaqataga ee waxan noqon doonaa mid u shaqa taga sidaan markii horeba wada shaqaynta u lahayn Ayaan u wadi doona waxyaabaha aan xooga saaro waliba clays badan saaro waliba sida ug dhakhsaha badan loo qabto waxa kamida ah in la qodo RIIG biyood dhismaha 5km oo wadada baligubadle ah”

 

Tani waxay mar qudha badashay qulubta shacbi wayanaha degaanka hawd oo hammuun badan u qabay in loo qodo riig biyood,waxayna taagero buuxda la garab istageen dayaxa hada uun u soo baxay,waxaanay marag madoon u noqotay  in wasiir khaddar xaaji yusuf noqday wasiirka ugu saamaynta badan guud ahaan degaanada hawd.Billawga balanqadkii ka dhabaynta iyo hirgalinta ku dhisnaa waxa uu hadana guuro iyo galab carrawba u galay hirgalinta himiladiisii ahayd qodida ceel biyoodkaa.

 

March/05/2017  waxa uu hadana dhagax dhigay dhismaha ceel biyodkii taasi oo markale shacbi waynaha reer baligubadle ugu naanays bixiyeen dayaxii hawd.wasiir khaddar xaaji yuusuf ayaa kasbashaday shacbi wayhana reer hawd kuna hantay balanqaad iyo ka runsheeg hawlihiisa waxqabad,runbadnaan iyo la dareen ahaan xaalad kasta oo ay ku suganyihiin.Waana ta keentay in wasiir khaddar noqdo shakhsiyada sanadkan ugu awooda badan guud ahaan degaanada hawd iyo hargeisa islamarkana wasiiro badan oo beeshisa ah kaga saamayn batay.Ma fadhiisan sida caadada u ah ee hadana waxa uu halgan ugalay in taageerida beesha hawd iyo hargeisa oo baryahan danbe wiiqantay dabka u shido si daba,la ugu biiren taagerayashiisu taagero iyo tiir adagna u noqdaan xisbiga kulmiye isagoo hormood u ahaa islamarkaana ahaa qaban qaabiyihii in da,yarta ahmed dhagax haween waynaha,ururada bulshada,aqoonyahanka,iyo waxgaradka degmooyinka 31may Ahmed dhagaxba taagero buuxda siiyan xisbiga kulmiye,tasina waxay mar labada iyo mar saddexadba noqotay in xisbigi kulmiye iyo xukumadiisuba hadda uun heshay siyaasi hawlkar ah oo bulshadiisa saamayn  buuxda ku dhex  leh.

Lasoco qaybta 2aad

 

A/aziz A.yusuf

handuleh2909@gmail.comc

 

Baligubadlemedia masuul kama aha argtida dadweynaha

COMMENTS