BALIGUBADLE MEDIA
Jamhuuriyada Somaliland Oo Lix Iyo Labaatan (26) Jirsatay
May 18, 2017 - Written by editor

1991 Bishii May 18-Keedii Ayay Ahayd Markii Ay Somaliland Ku Dhawaaqday Inay Madaxbanaanideedii Kala Soo Noqotay Midawgii Lagu Hungoobey Ee 1960-Kii Dhex Maray Bulshooyinkii Looga Ariminayay Hargeysa Iyo Muqdisho.

somaliland

Maanta Oo Khamiis Ah Ayay Ku Beegan Tahay Sanadguuradii 26-Aad Ee Kasoo Wareegtay Maalintaas.

Shacbiwaynaha Reer Somaliland Ayaa Sanadkasta Si Wayn U Qiimeeya Maalinta 18 May Iyadoo Debaaldegyo Waawayn Lagu Muujiyo Masiirka Iyo Qadiyada Somaliland.

Balse Sanadkan Madaxwayne Silaanyo Ayaa Amray In Debaaldegii Iyo Isu Soo Baxyadii Lagu Bedelo Gurmad Loo Fidinayo Bulshada Ay Abaaruhu Naafeeyeen Ee Somaliland Iyadoo Qaadhaan Loo Ururinayo Caawimooyinka Dadkaas.

Magaalada Hargeysa Ayaa Si Wayn Looga Dareemayaa Qiimaynta Iyo Sida Ay Shacabku Isugu Hambalyaynayaan Maalintan,

Goobaha Fagaaraha Ah Ee Hargeysa Ayaa Lagu Arkayaa Dadwayne Badan Oo Adeegsanaya Afkaar Ka Turjumaya Qiimaha 18 May.

Sidoo Kale Waxa Maanta Si Rasmiya U Bilaabmay Qaadhaanka Loo Ururinayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen Iaydoo Dhalinyarada Jaamacadaha Oo Xidhan Astaamo U Gaar Ah Ay Dhex Wareegayaan Magaalada Isla Markaana Aqal Kasta Ka Codsanayaan Inuu Soo Caawiyo Walaalahooda Dhibaataysan.

Isha Ku Hay Baligubadle Media

 

COMMENTS