BALIGUBADLE MEDIA
HOOYO ANIGA IYO UBAXA KEEBAA UD GOON?
May 19, 2017 - Written by editor

Sida aynu la wada socono isla markaana ka wada dharagsanahay qiimaha hooyadu leedahay laguma soo koobi karo maqaal iyo maqaalo badan waxaanay u baahan tahay in laga diyaariyo buugaag fara badan oo aad looga fakiray iyo daraasado cilmi iyo aqoon ku salaysan.

Intaa hadaan kaga imaado tuducaa afeefta ah waxaan doonayaa mantaa inaan maqaalkan kooban kaga waramo qiimaha ay hooyadu ku leedahay bulshada dhexdeeda iyo door ka ay ka qaadato barbaarinta ubadka iyo waliba meeqaamka ay diinta islaamku dhigtay ama siisay hooyada.

Sida uu nabgigeenii suubanaa naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee inoo sheegay hooyadu waxay leedahay saddex xaq halka aabana ka leeyahay hal xaq taasi oo ka dhigan sida uu xadiiska nabigu tilmaamaayo boqolkiiba shan iyo tadobaatan hooyo ayaa xaq leh boqolkiiba shan iyo labaatana aabo ayaa leh, halkaasi waxaad ka dheehan karaysaa meeqaamka ay hooyo ku leedahay diinta islaamka dhexdeeda.

Dhinaca kale hooyo waxay kaalin mug iyo miisaan leh ka qaatadataa barbaarinta ubadka oo waxay sagaal bilood ku sidaa caloosha, laba sano way nuujisaa naaska ilaa ay taabo gal iyo isku filaansho dhinac walba ah gaadhayaana iyada ayaa gacanta ku haysa.

Iyadoo labada waalid ba diinteenu ina farayso inaynu u sama falno oo ay waajib inagu tahay hadana aabo hooyo marna la xaq iyo la meeqaam maaha oo dhibaatada ay kula soo mutaysatay hadaad is tidhaa uga abaal celi waligaa intaad nooshahay hadaad dhabarka ku sido oo aad xajka gayso ma gudi karaysid ama ma buuxin karaysid maalin kali ah oo iyadoo ku xambaarsan aad qaydka ka yara liicday meeshii ay ka naxday.

Akhriste ma xasuusataa hadalkii macaanaa ee naxariista iyo jacaylka huwanaa ee ay hooyo kugu habi jirtay, ma xasuusataa dhiira galintii lama ilaawaanka ahayd ee ay hooyo macaan ku siin jirtay dhinac walba, ma xasuusataa dareenkii iyo il dheeridii hooyo markaad baahan tahay iyo siday kuu fahmi jirtay, ma xasuusataa ama ma qiimayn kartaa xaaladaad mujada ahayd ama aad dhalatay siday hooyo kuu ahayd, xaaladahan iyo kuwa kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi karahayn waxaad helaysaa hadaad hooyo iyo jacaylkeedu kugu weyn yahay.

Akhriste meel aan hooyo joogin farxadi ma taalo.

Akhriste meel aan hooyo joogin naxariisi mataalo.

Akhriste meel aan hooyo joogin weheel malaha.

Akhriste meel aan hooyo joogin hiil ma leh.

Akhriste meel aan hooyo joogin dhiira galin ma leh.

Akhriste hooyo waa damal hadhweyn oo la hadhsadaa.

Guntii iyo gunaanadkii maqaalkan waxaan ku saa gabagabaynayaa oo ku talinayaa qofkii hooyadii nooshohoow waxaad haysataa fursad aad ku heli karto janatul firdawza, hooyana waxay ina leedahay iyadoo ina xasuusinaysa qiimeheeda

HOOYO ANIGA IYO UBAXA KEEBAA UD GOON?

W/Q: Jamaal Cabdilaahi Muxumed (Abu ciza)

 

Baligubadlemedia  masuul kama aha aragtida dadweynaha

COMMENTS