BALIGUBADLE MEDIA
Doqon Baa Wakhtiga Jooga Iyo Garan Wadkeedee !
May 14, 2017 - Written by editor

Qaranimadu maaha calan maalinta 18 May la sudho manaaha xisbi la taageero ee curasha

dareen weeyaan !

Waxa layidhii nimca kastaaba nuqsaan bay leedahay waxaana fahmi karaa qofkii nimcadaasi ka

maqantahay ama waayay ama ay ka daahday….!

Nimcadu dadka way oga darta waanay kala dirtaa markaa yaqiinkeedu maqanyahay inoo ilaahay

mooye qof kale bixin karin… waayadan danbena yaqiinkii ayaa geed ku laalmay markii

qirashadiisi qaamuuski iimaanka laga saaray.

Dadka maanta dal nabad ah haysta, xoriyad haysta, hawa macaan haysta, nimca xalaala haysta,

calan xora haysta, dhul xora haysta, ehel iyo qaraaba haysta waliba magac iyo karaama haysta ,

tolow ma dawba cabashadu mise waa ku digasho……!

Qaranimadu maaha calan maalinta 18 May la sudho manaaha xisbi la taageero ee waa curasha

dareen weeyaan, waa hibasho kaa maqan, qaranimadu waa qiiro qalbiga aan dhaafin kuna qoran

ee maaha odhaah madhan , qofkii dareemaya yaqaana waxay tahay qaranimo iyo

dawladnimo…..!

Qaranimadu waa qirashada dalkaaga, xukaamadaada iyo shacabkaaga ee maaha xisbi iyo

shakhsi caabud…..! Qaranka ayaa ka horeeyay inaad xisbi taageertid waayo xisbi kastaba qaran

baa dhisa aduunka iyo meel kastaba , xisbi aano qaran dhisina xisbi ma noqon karo…. markaa

waxan aad oga yaabay dadkan xukumada iyo dalkaba aflagaadeenaya maxay xibsi u tari karaan

miyaanay ogeen xisbigu inoo qaran yahay ama muxaafid ha noqdo ama mucaarid…!

Waxaan bulshada ka codsanaya horta inay kala saaraan xisbi iyo xukuumad waayo xisbi waa

aalada ogu weyn aaladaha qaranka dhisaa markaa hadii xisbigu noqdo xisbi aflagaadu iyo cay

fara badan leh wuxu dhaawacaya qaranimada iyo jiritaankeena dawladnimo…..

Maxaan qurbooy dartaa

Wax badan doqonimo qaatay

Dhibtaada dunida iyo

Xumaan anigoo digtoon

Maxaan dusha saarta yoo

Qof ii daran soo dhaweestay !

Maxaan qurbooy dartaa

Dulqaad iyo samir dugsaday

Darajo rabii baa baxshee

Anoo danbi ruux ka galin

Maxaan xuma diidayoo

Wanaag iyo doortay nabad !

Samia Muse

 

Baligubadlemedia masuul kama aha argtida dadweynaha

COMMENTS