BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Shiinaha Oo Hal Milyan Oo Dollar Ugu Deeqday Dalka Soomaaliya.
May 18, 2017 - Written by editor

Dowladda Shiinaha ayaa hal milyan oo dollar ugu deeqday dadka reer Soomaaliya ee gudaha dalkaasi ku barakacay, taasi wax loogu qaban doono dadka nugul iyo kuwa degaamadooda dib ugu laabanaya, iyadoo lacagtaasi la soo marsiinayo Hay’adda Qaramada IOM.

ABAAR

Agaasimaha guud ee IOM William Laacy Swing ayaa sheegay in lacagtan sidoo kale wax lagaga qaban doono arrimaha bani’aadanimada ee ka jirta degaamadda Soomaaliya, lagu taageeri doono dad gaadhaya shan iyo tobon kun oo qof.

Saxeexa heshiiska waxaa qalinka ku duugay Wasiirka ganacsiga dowladda shiinaha iyo madaxa hay’adda IOM, wuxuuna ka dhacay Caasimadda Beijing, wuxuuna ahaashir doceen xilli ay ka qeybgalayeen shirkii socdaalka iyo ganacsiga ee ka qaybgaleen madax sare oo adduunka

 

Isha ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS