BALIGUBADLE MEDIA
Dacawaa Laga Hayey “Walee Reer Aan Ogaa Ma Guuro”. Qalinka: C.S.f (Jeesto).
May 12, 2017 - Written by editor

Markaan  Leeyahay  Dalka, Dadka  iyo  dawladaan  arkayo  midna  doorasho  diyaar  uma  aha  waxa  laga  yaabaa  in  qayb  bulshada  ka  mid  ahi  ila  yaabaan  ama  dadka  aragtida  dhaw  ee  Muraayada  Cagaaran  xidhani  ka  fajacaan  waayo  Soomaalidu  waxay  ku  maah-maahdaa  (NINKA  WAXA  JOOGA  GARAN  WAAYAA  WAXA  SOO  SOCDA  MA  GARTO).  Markaa  amin-xaadirtan  ifafaalooyinka  aan  arkayno  waxa  ka  muuqda  siqitaan  dhinac  walba  teedsan  haday  tahay  Axsaabta  qaranka  iyo  Qoysaska  isgaashaan-buureystay  Ee  madaxtooyada  ka  taliya,  kuwaasoo  ka  sii  helaya  u  sii  laandaynta  ku  takrifalka  awoodaha  aan  inaba  caadiga  ahayn  ee  ay  gacmahooda  ku  haystaan.

 

Hadaynu  jaleecno  dhinaca  Jawiga  iyo  dabeecada  Rabaaniga  ah  waxa  yadna  xusid  mudan  Abaaro  Baahsan  oo  qaranka  raaf-cadeeyey  kuwaasina  waxa  ogolaasho  korodhsiimeed  siinaya  Dastuurka  iyo  Xeerka  doorashooyinka  oo  odhanaya  haddii  Abaaro  baahsan,  Aafooyin  qaran,  Masiibo  daran,  Iyo  Colaado  Sokeeye  socdaan  inaaney  doorasho  qabsoomi  Karin,  Sidaa  darteed  ha,ayadaha  sharci-dajintu  sameeyaan  mudo  kordhin  sidaana  ay  dawlada  joogtaa  ku  noqoto  dawlad  ku  meel  gaadha  oo  duruufi  cuskatey,  isla  markaana  looga  maarmi  waayey  sidaas  awgeed.

 

Hadii  aynu  ka  istaagno  dhinaca  axsaabta  iyo  u  diyaar  garwgooda  oo  aad  u  liita  waxaad  moodaa  inay  waxoogaa  hoosta  iska  og  yihiin  maxaa  wacay  Musharaxiinta  tartamaya  ee  doorashada  madaxtooyada  ku  hirdamaya  Qaarkood  baa  ku  fadhiya  kuraas  culus  oo  qaranka  miisaan  weyn  ku  leh  halka  qaar  kalena  ay  ku  fadhiyaan  kuraasta  ay  u  sharaxan  yihiin  sidaa  awgeed  nin  kastaana  wuxuu  doorbidayaa  inuu  fadhiga  iska  macaansado  isagoo  danaynaya  wax  badan  oo  kursigaasi  leeyahay  xaga  macfaca  iyo  macnahaba.

 

Waxaan  yadna  meesha  ka  maqnayn  diciifnimada  golaha  sharci-dajinta  qaranka  oo  isagu  inta  ugu  badan  ku  tuntey  sharciyadii  Somaliland  lahayd  iyo  qawaaniintii  dastuuriga  ahaa  ee  xeererkan  qeexayey  ugu  dhawaan  hadaanan  qaldanayn  malaha  saddex  iyo  toban  xeer  oo  meel  marin  lahaa  arimo  murugsan  intan  danbe  oo  lagu  kala  bixi  lahaa  ayaa  la  nasakhey  waxaana  nasakhaadaa  laaluush  ku  bixisa  madaxtooyadan  doonyeysan  ee  isha  u  dabaysa  xaqa  maatimadaa  iyo  maxastaa  dayacan  een  dareen  iyo  dub  ka  naaxaa  midna  jirin.

 

Sida  la  filayo  mudooyinka  soo  socda  waxay  u  diyaar  garoobayaan  ha,ayadaha  xaaraantee  Qarnkan  sharci-dajinta  u  qaabilsan  yagoo  faylka  wajiga  layskaga  dhigayaa  yahay  abaaro  baahsan  iyo  qaranku  wakhti  xaadirkan  u  baahan  yahay  gurmad,  hada  gurmadku  maaha  kii  runtii  ee  waa  (POLITICAL  INTERST), Loogu  talgaley  marin  habaabin  iyo  dhalaan  habaw  loogu  magac  iyo  macno  samaynayo  qaadhaan-bixiyayaasha iyo  nimankan  beesha  caalamka  ee  inaga  taageera  arimaha  doorashooyinka.

 

Markaa  maanta  waxa  igu  kalifey  inaan  ka  faaloodo  xogtan  rasmiga  ah  anigoo  ka  daliil  qaadanaya  niman  odeyaala  oo  war-qaateena  oo  ragan  dhariga  lafaha  kala  baxa  ah,  ayaa  ii  xaqiijiyey  isla  markaana  martabad  weyn  qaranka  ka  haya,  sidaa  darteed  waxaan  soo  jeedin  lahaa  in  la  gurmado  oo  dadka  la  badbaadiyo  si  loo  aan  hadhaw  loogu  meeraysan  abaar  baa  jirta  oo  dadkii  baa  dhiban.

 

Guniyo  gunaanadkii  waxaan  leeyahay  Golayaashaan  wakiilada  iyo  guurtida  ee  mudo  dhaafey  Xaraantooduna  ay  tahay  tan  abaarta  iyo  surmiga  inoogu  wacan,  In  ay  Ilaahey  ka  yaabaan  oo ay shicibkooda  iyo  umadooda  u  tudhaan  dibna  aaney  u  kordhin,  yaguna  ay  sameeyaan  Xeerar  xalaala  oo  lagu  soo  xulo  xildhibaanada  ka  danbeeya,  taasi  bey  wax  inoogu  hagaagayaan  Khayr  ahaaan  umad  ahaan  iyo  Qaran  ahaanba.

 

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto)

 

Diplomatic  Annalysis

 

Gabiley:Somaliland

 

Baligubadlemedia masuul kama aha aragtida dadweynaha

COMMENTS