BALIGUBADLE MEDIA
Bogaadinta mareeyaha da’da yar ee hay’ada wadooyinka dalka iyo Tallooyin muhiim u ah masuulkan Dr.khadar -Libaaxley.
May 12, 2017 - Written by editor

Meeriska nolosha ayey dabcigeeda tahey ahaanshaha ( qori isku dhiib, ama kaal la kala

hor fulaayo) koox isku fac ah iyo kuwo kala fac ah , abuurida xillal cusub iyo buuxinta

had ba kursigii banaanada ee hay’adaha qaranka ; ka dib la tashiga iyo soojeedinta

dhinacyada ay khusayso iyo ku qancida madaxweynahu ku go’aan qaato magacaabida

shakhsiga u bilan hawl kar-nimada, shaqo hufnaanta,khibrada, waayo aragnimada,

fahamka iyo aqoonta la biday.

Dhalinyaro badan oo dal joog iyo dibad joog ba ah ayaa nasiib u helay , sharafna ay u

tahey ka mid ahaanshaha dhismaha qarankan Somaliland oo qaar heer qaran ah oo

madaxweynuhu magacaabey iyo qaar heer wasaaradeed ah oo wasiiradu magacaabaan;

tani waxa ay duruus iyo cashar u tahey ugu yaraan barashada habka geedi socodka

hanaanka dawladnimo iyo habka bilida shaqada xafiisyada dawlada heer kasta oo ay

yihiin ; si ay u layli baxaan ummadana u hogaamin karaan marka ay u bislaadaan.

Maxaa kula gud-boon marka aad xil umadeed hayso?! ( cagtaada halka aad dhigayso

caqliga hubi dheh !!!)

Marka aad masuul tahey xil umada u haya indhaha oo dhami wey ku soo eegayaan

kuwo aad arkayso iyo kuwo aanad arkeynin; muhiimadu se waa in aad dareen

sanaato, taagnaantaada, fadhigaaga, socodkaaga, tilmaantaada, labiskaaga, hadalkaaga,fikir

kaaga ,qaabka aad go’aanka u qaadato, iyo tallaabo kasta oo dhan walba leh oo aad

qaayibaya ogaalkaaga iyo ogaal la’aantaada ba waxa ay ka turjumeysaa ( siyaasad ama

aragti , hadii qalooc ama gurac galena siyaasada dhaqankeeda iyo cimiladaadu ku

amaahin mayso sii wadashada fursadaasi !! ) dhaqdhaqaaq kasta oo aad sameysaa

dadka qaarna wey ku doogsadaan qaar kalena jidhka ay isgaliyaan oo ma jeclaystaan

oo xumaantaada mooyee wanaagaaguba uu ka awdanyahey.

Waxa muhiim ah :-

1.ixtiraam iyo tixgalinta madaxda kaa sareysa xil ahaan iyo da’ ahaan ba iyo kuwa

aad la simantahey; iskaashi , wada shaqeyn iyo isfaham isha gibidhsigeeda ah.

2.laasimida dulqaadka ,iyo degdeg la’aanta , deeqsiinta hadalka had ba qofka aad

xidhiidhaysaan, u meel dayga go’aan qaadashada , hubsiimada iyo fiiro dheeraanta,

3.xog-ogaalnimada , dhagaysiga iyo dhugashada cabashada, catawga, hambalyada iyo

dhiirigalinta bulshada aad u adeegayso.

4. iilasho la’aan iyo dhexdhexaadnimo , adkaysiga dhibta kula soo darista adigoo hab san

u furdaaminaya.

5. wada gaadhka bulshada gobolada oo dhan oo aanad ku koobnaanin , koox gaar ah u

faa’ideynteed , adeegsiga waji dabacsan iyo ku qaabilida laab u furan dadweynaha

adigoo sida ugu haboon u qancinaaya qof kasta.

6. ka baaqso go’aan qaadashada caadifada ku dhisan !! ha dheereyn, hana gaabinin! La

jaanqaad inta la digrii ah habka bulshadu u tallaabsaneyso.

7. mar walba dadka bushaaro iyo wax-san u sheeg xataa haduu xaalku dacar ka

qadhaadhyahey; adigoo isku dayaya in aad kor u qaado mooralka qof kasta oo aad

shaqo wadaagtaan ama kuu shaqeeya.

Gunaanad :-

Ninka dhalinyarada ah ee inta xil loo dhiibey la dheeliya , ma fashilinin naftiisa oo

kaliya ee xataa waxa uu fashiliyey dhamaan dhalintii la ayniga aheyd ee hanka lahayd

ee mar uun naawilaysay in ooda laga rogo si ay dadka iyo dalkaba ugu faa’ideeyaan ,

waxa uu caynka iyo bayda ku sii giijinayaa fursadihii ay heli lahaayeen dhalinyaradu.

Sidaa daraadeed masuuliyiintu cagtooda halka ay dhigayaan cagligoodu ha hubiyo.

Uu muuqdaa mana qarsoomo hadii fashil ku yimaado xilka dhalinyarada loo dhiibaa!!;

aad baana loogu wiirsadaa oo dacaayada iyo ceebtuna wey qaban ogtahey; marka loo

eego raga waaweyn ee soo jireenka ahaa , waxaana layidhaa waa ( ciyaaloo uu

ciyaaleeyey ama waa dhalinyaroo uu la dheeliyey).

Ninka dhalinyaro ah ee inta xil loo igmado sida ay tahey uga soo dhalaala ee guulo

soo hooya ; waxa uu jabinayaa dayrkii iyo soo jireenkii soomaalidu rumaysnayd waayo

dureed ee aheyd ( Nin yari intuu geed ka boodo ayuu arin ka boodaa), waxa uu ka

xoreynayaa dhalinta heeryo iyo diilin goof aheyd oo dulsaarneyd waayo badan.

Waxaanu dhiiri-galinayaa dhalinyaro kaloo badan in loo magacaabo xilal hor leh oo ay

baarka ka jaraan guntinta xadhkihii xanibaayey soo bandhigida awoodahooda qarsoon

ugana faa’idayn lahaayeen dadkooda iyo dalkooda ba.

Heensaynta iyo farda fuulka nin-na lama soo dhalan , kaliya fursad la siiyey ayuu ka

soohay midhaheeda guul iyo macaan leh , waa muhiim in fursado door ah la siiyo

dhalinyarada.

waxa aan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka

iyo dhamaan xukuumada xisbiga kulmiyey sida ay u dhiirigalinayso ,u kobcinayso

dhalinyara iyo ubaxa dalka ee mustaqbalka iyo indhaha u ah qarankan Somaliland;

Dr.khadar-Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

 

Baligubadlemedia masuul kama aha aragtida dadweynaha

COMMENTS