BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Wasaarada maaliyada Marwo:- Zamzam Abdi Adam waa wasiirkii ugu wanaagsana ee soo mara wasarada maaliyada. W/Q.cabaas xuseen faraah
January 8, 2017 - Written by editor

Sida aynu wada ogsoonahay wasaarada maaliyada waa wasarada u qaabilsan

qaran somalilanad cashuur ururinta. wasiiradi kale dambeyey ee wasaarad soo

mara mid walba meela ayuu soo gaadhsiiyey hada oo ay wasiir zamzam ay

majaraha u haayso wasaarad maaliyada waxay ku talabsatay wax yaaabo la

taaban karayo oo muuqda.

Wasiir zamzam miisaaniyada 2017 ee shalay aqalka baarlamaanka ay ka soo

jeedisay waxa ay soo jiidatay shacbiga Somaliland. waayo lagu ma arkin waxa

korro ah oo cashuur la kor dhiyey iyado miisaniyada 2016 ay dheer tahay 27%

taasina ay wax lagu farxo oo qaran Somaliland ku soo kordhay waxa aynu la wada

soco naa intii ay wasiir zamzam ay hay say wasarada maaliyada wax kharash

dhinansho ah muu jiran oo baaqday sidii loogu talagay ayey miisaniyadii u soo

baxday iyadoo abaaro fara badani ay jirana labadi sano ee udambeyey ay soo

noqnoqdeen taasi ay miisaaniyada wax dhinasho ah aany u keeno waayo

feejegnan iyo talo wadaag ayaa lagag baxay .

Sida awgeed dalkeen Somaliland waxa ugu weyn ee aanu hani u leenahay waa

xoolaha ,xooluhu haday meesha ka baxa waxa meesha ka baxa dhaqalaha

Somaliland .lkn wasaaradu waxay samaysay qor she cusub oo lagaga hor tagi

karayo wax kastoo ka yimaada arimiahaa wasaarad waxay samaysay qorshe la

yidha goods services tax oo aad loogu baahna mar walba oo hadaynan la jaan

qaadin cashuuraha amba la development lagu samayn cashuura laqadayo.

Waxa kalo wasiir zamzam ay wasaarad maaliyada sannadkan 2017 ka dhex

muuqda xarunta aasaarta SNM oo wax loo baahn aan ah ,wax kaloo ka dhex

muuqda aqalo macalimiinta loo dhisayo oo ah kuwii ugu horer intii s/land jirtay la

dhisayo waxa kalo jira in shaqalaha dawlada loo kor dhiyey 10% oo ay shalqaluhu

aad u soo dhaweeyen tahayna horomar la taaban karo .waxa kalo jira in ay

wasarada maaliyada ay markii u horaysay ee ay qaranka Somaliland uu 50% iska

bixiyo lacagta doorashoyinka iyo kaadh daabacada oo arin muhiim u ah qaranka

oo hadii la waayi lahaa aanay khaadh la daabicin lkn ay wasiiradu muujisay karti

iyo firfircooni deerada ah oo arintaa lagaga hortagayo .

Wax kalo jira oo wasiir zamzam ku amaanantahay in dalka oo dhami lawada geeyo

ambilaasyo ah ku gargar ah deg deg ah oo manta degmao kasta iyo tuulo kasta

yaala sidii gargaarka deg deg looga qaaadan lahaa ,wax kalo jira ceelkii coodanle

ee ay wasiir si dhakhso ah ufulisay oo ahaa mid aqli iyo maskax badani ka fikirtay

waayo wax lagaga maarmay booyadihii laga soo dhaaminayey burco oo ay halkaa

kaso baxay faaiido wey oo ay dadku ka heleen .

Waxa kalo jira in qalabka iyo saanada militariga ay muhiin tahay in sanad walba la

kordhiyo waayo hadii anan la kordhin waxa hoos u dhac ku yimanada tayadii

ciidanka iyo iska caabinta cadawgaa waayo waxa aynu ku naalnaa bugcad harera

heegu ololayaan oo anan xasilooneen. Waxa kalo jira in ay wasarada meel isku

keentay mucaawinada ay aduunyada nasiiyo oo la soo mariyo wasaarada

maaliyada ,wax kalo jira in dalkani u baahan yahay ictiraaf sidaas daraaded waxay

wasaaradu ugu dartay miisaaniyada in bajed ay gudiga ictiraaaf raalinbtaay ku

shaqeeyaan.

Waxa kalo jira in mar hadii ay abaruhu ay soo noqnqodeen lagu daro miisaniyada

bajed laga hortago in dalka lga hirgalinayo Lab lagu baadhayo biyaha iyo cuntada

iyo daawooyin taaso qaranku baahi fara badan u qabay waxa kalo jira in dibu

dhiska wasaarad dalka ay ka muuqato miisaaniyada qaran waayo xafiisyada qaran

hadi aanay qurux badnan oo any ku waa gaar looleeyhy aany la mid noqon waxa

hoos u dhacay meeqaaamkii iyo muscadii dawladnimo waxa kalo jira in shalqalada

dawlada lagu samandoonen dibu habeyn balanbdhan oo ay naga caawinayaa

baanka aduunka iyo hayado caaalamiya. Waxa kalo jira in sixir bararkii ay

wasarada maaliyada ay dagaala fara badan ka gashay dolarkiina halikiisi lagu soo

celiyey waan guul ay soo haysay Wasiirka maaliyada iyo qarankaba.

halkan laguma soo wada koobi karayo waxyaabaha ay Wasiirka wasaarad

maaliyada qaranka u qabatay in tii ay joogtay wasaarad maaliyada waxan la

oodhankaa waa wasirkii ugu wax qabad badnaa wasaarada maaliyada. Bulshada

iyo shacbiga Somaliland oo dhami way wada mahaadiyeen wasiir zamzam.

Uguda dambayntii waxan leeyhy wasiir zamzam abdi adan waxad tahay wasiir wax

qabad oo dalka oo dhan laga mahadiyey taariikhtada ayaa xusi doonta .

W/Q. Cabaas xuseen faraah

Email. Abbas_ll@live.com

Tell: – 063-4014327

isha ku hay baligubedlemedia

COMMENTS