BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Oo Qiray In Imaaraadka Carabta Uu Ka Codsaday Saldhig Millateri Inuu Ka Furto Somaliland
January 12, 2017 - Written by editor

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliand Sacad Cali Shire ayaa qiray wararka sheegaya in Imaaraadka Carabta Somaliland ay ka codsatay Saldhig Millateri inay ka furato Deeganada Somaliland.

sacaad cali shir

“Way jirtaa in Dowladda Emaratku ay na weydiisato saldhig milatari, waa war caam ah oo la wada ogyahay, dhowr jeer oo horana laga wadahadlay, waddanka Emaratku waa waddan aanu Saaxiib nahay saxiibaduna saldhigyo way is weydiistaan, go’aankiisa saldhigga waxaa iska leh madaxweynaha iyo Labada gole ee baarlamaanka , madaxweynuhu kolba go’aanka uu ka gaaro waxa uu la qeybsan doonaa baarlamaanka iyaguna waxay ka gudan doonaan waajibaadkooda”.

Wasiirka ayaa ka hadlay iney jirto in dowladda Itoobiya ay walaac ka muujineyso saldhigga oo ay u aragto mid aan danaheeda u adeegayn:

“Saldhigyo milatari walwalkoodana waa leeyihiin manfacoodana waa leeyihiin, annaga Somaliland waxa nooyaalla waa sidii saaxiibadeenna labadaba u  ilaashan lahayn, Itoobiya waa waddan badda ka xiran, waxay isticmaalaan dekedda Jabouti oo kaliya, qurshuhu wax weeyaan tan Berberana iney isticmaalaan, marka wax kasta oo saameynaya marinnada ay badaha  walwalkeeda ayay leedahay”.

Si kastaba, Somaliand ayaa waxaa aad loo hadal hayay saldhigga milatari oo ay dowladda Emaratku ka codsatay in laga siiyo magaalada Berbera, iyadoo xildhibaanna Somaliland qaarkood ay walaac ka muujiyeen saldhigga iyo ulajeedada ay Emaratku ka damacsan yihiin

Isha ku hay Baligubadlemedai

COMMENTS