BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir Cadaani waa cigaal shidaad kii subxaan yada ka ooyay by Abdi Mustafe
January 5, 2017 - Written by editor

Waxa la yidhi Cigaal shidaad ba subxaanyo cagta martay, dabeed aad buu u ooyay. Waxa lagu yidhi ma subxaan yada ayaad ka ooyeysaa, wuxuu yidhi maya ee waxaan ka baqayaa inay wado halaq noqoto cagtaydu. Tabtaas buu Cadaani sameeyey oo markiiba Radio Hargiesa ayuu cajaladii ka sii daayay isaga oo maqashiinaya reer Somaliland oo dhan in la yidhi waa la dilayaa. Wasiir Cadaani oo caan ku ah in uu Silaanyo iyo Kulmiye u qiiroodo oo ilmada u qubo ayaa dad yaqaanay in uu fulay yahay cajalad soo duubeen ay leeyiin wuu calaamad sanyay, iyagoo kaga maadsanaya. Subxaan … Halkaa kumuu joogin ee hadana Burco ayuu isku sii daayay intuu baqay. Waxay
dowladu u soo ururisay ciyaala skuul uu ka hor faataa dhugleeyey oo uu leeyey kun nin dariiqa uugama leexdo aniga ma fuley baa i moodeysaan. Maxaa waalay ee waxan oo oohin iyo cabaada geliyey hadaanu cigaal shidaad oo kale ahayn. Xataa xildhibaan nac nac oo Cadaani ka guul-wadaysani ma ooyo ilmana kama timaado. Wasiir Cadaani dadka ayuu harow-sanayaa ee intuu maraykan joogay  wuxuu taageer sanaan jiray Somali-weyn oo sidan uu iminka ilmada u qubayo uumuu ilamayn jirin. Labada qof ee nafa-hooda ka jecel nafta Silaanyo waxay kala yihiin Cadaani iyo Xildhibaan nac nac. Labadaba hadii la dooran siiyo ma naftiinaa la qabtaa mise ta Silaanyo mid waliba wuxuu odhanayaa odeygu ha sii noolado ee aniga nafta iga qabta. Waa arin diraasad dheer u baahan oo aynaan cilmigiisa lahayn waxay sidaasi ku dhacayso. Xirsi Xaaji Cali waxa laga hayaa Cadaani waakii ilmada qubayay markaannu wadada Ceerigaabo joognay ee gacan yaraha ii ihaa. Cadaani wuxuu taariikhda ku galay wasiirka qaaday koobka oohinta si aan xilka looga qaadin. Waxa laga quustay markuu Radio Hargiesa ka sii daayay cajaladii. Waaba Cigaal Shidaad oon biyo is marin. Oohin goor walba joogta + fulay nimo = Ragga nimo daro.

[email protected]

COMMENTS