BALIGUBADLE MEDIA
Waa Maxay Xannuunka Qaaxadu(TB) W/Q:- Maxamed Shucayb Axmed.
January 7, 2017 - Written by editor

Qaaxadu ( TB ) waa caabuq halis ah oo ku dhaca marinada hawada ama sambabada ee jidhka Ili ma aragtay ee sida fudud ku faafa. Qaaxadu waa xanuunada da’da weyn ee soo jireenka ah sanado iyo qarniyaal badana ku soo dhici jirey dadyawga dunida ilaa sanadani aynu joognee maanta isaga oo ku badan wadamada soo koraya.

Waxa lagu qiyaasa in 10% buolshadu ay uga nugul yihiin dadka kale xanuunkan inuu haleelo sida dadka difaacoogu hooseyo ee la nool xanuunada difaaca jidhka diciifiya ( HIV & AIDS) dadka nafaqo daradu hayso iyo kuwa macaanka qaba


iyo kuwa isticmaala tubaakada ama sigaarka iyada oo intooda badan laga daweeyo xanuunka dadka inuu dhamaan dadkani waxay aad ugu nugul yihiin inuu haleelo xanuunku.

Qaaxadu waxay kaloo saamaysa xubno kala duwan oo jidhka ah sida, xangulaha, kelyaha, maskaxda iyo xataa hadhiska tarankaba.

Maxaa sababa Qaaxada

Qaaxada waxa sababa ili ma aragtay bakteeriya ah oo loo yaqaano mycobacterium tuberculosis bakteeriyadan ayaa ah sidaynu soo sheegnay kuwa laysugu gudbiyo hawada waana mid ka mid ah kuwa ugu caansan bakteeriyooyinka loo yaqaano mycobacteriuma oo kuwo kale oo ka mid ahi ay sababaan isla xanuunkan sida mycobacteroum bovis oo laga qaado hilibka lo’da

Sidee laysugu gudbiyaa xanuunkan

Qaaxadu waxay ku faafta ama la isugu gudbiyaa xidhiidhka hawo ee dhex mara laba qof gaar ahaan marka qofku uu qufaco ama hindhiso waxa hawada raaca xadi ili ma aragtayda sababta xanuunkan taasi oo ay sahlan tahay in uu si fudud u qaato qofka kale hawo wasakhaysan ama jeermis weheliyoqaaxada waa mid ka mid ah xanuunada ku faafa hawada iyada oo ay sahlaan fiditaankiisu .

Qiyaas intee leeg baa qaba xanuunka

Qaaxadu Sida ay sheegayso tirakoobyo ay samaysay hayada cafimaadka adduunku Saddex meeloodow meel dadka dunida ku nool 3/1 waxay qabaan xanuunka qaaxada in yar oo ka mid ah tiradaa qabta xanuunka ayaa laga yabaa inay muujiyaan astaamaha xanuunka oo ay la xanuusadaan jeermiska halka inta kalena ay caadi ula nool yihiin sidaynu tilmaamanayna dadka difaacoodu hooseya mar walba waa ay uga nugul yihiin kuwa kale tusaale ahaan dadka la nool xanuunka HIV and AIDS waxay ugu nugul yihiin dadka kale 26 ilaa 31 jeer inuu haleelo xanuunkani difacooda hooseya awgii Mid ka mid ah hiigsiyada horumarka waara amaba sustainable development goal 2030 dunidu samaysatay waxa laysla gartay in qaaxada dunida laga cidhib tiro “End TB Strategy”,

Astaamaha qaaxada lagu garto

Astaamaha lagu garto xanuukaan waxaa kamid ah;

·         Dhidid xiliga habeenkii ah

·         Qufac raaga ilaa 3 todobaad kaasoo mararka qaar uu la socdo dhiig laabta oo xanuunta qofka Awood daro

·         Xumad Qadhqadhyo

·         Abateetka oo qofka ka xidhma ama cuntada oo ka hortimada

·         Miisaanka oo yaraada

·         Xanuun la dareemo marka neefsanayo amaba la qufacayo

Sidee lagu ogaada Qaaxada

Waxa ugu muhiimsan ee lagu ogaada sida xanuunada kaleba waxa u mudan in wareysi lala yeesho qofka cabanaya iyadoo la weydiinayo su’aalo la xidhiidha cabashadiisa sidoo kalena baadhis lagu saameyo habdhiska neefsiga jidhkiisa , intaa ka dib waxa qofka loo diraa shaybaadho Sida in candhuuf laga qaado ka dibna la beero candhuufta lana arko ili ma aragtayda dhaliya xanuunka In jidhkiisa laga hubiyo TB skin test is ama loo yaqan the Mantoux tuberculin skin test (TST) laba jeer oo kala duwan baa qofka lagu sameeya tijabadan marka qofka laga qaadayo tijabada iyo marka la akhrinayo hadaba marka qofka laga qaadayo tijabada waxa lagaga mudaa gacanta xadi yar oo fluid ama dareere tuberculin ah ka dibna waxa la sugaa jawaabta 48 ilaa 72 saac intaas ka dibna waxa loo galaa tijabadii labaad oo ah in xirfadlaha cafimaad ee hawsha hayaa uu eego isbedelka ku yimi gacanta natiijaduna waxay ku xidhan tahay isbedeladaa ku yimada gacanta sida inay adkaato meeshi amaba bararto Sidoo kale qofka dhiigiisana waa laga baadhi karaa Ugu dambayn waxa iyana muhiim ah sawir ama X-ray qofka la saaro iyadoo la akhriyayo is bedelada ka jira habdhiskiisa neefsiga

Daaweynta xanuunka

Xanuunkan waxa la daweeya mudo bilo ah oo u dhaxaysa 6 ilaa 9 bilood dawooyinka ay ka mid yihiin • isoniazid (INH) • rifampin (RIF) • ethambutol (EMB) • pyrazinamide (PZA) waxa dawooyinkan loo qaata saddex marxaladood

marxalada koowad

·         maalin walba waa inuu bukaanku qaata INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 40-56 doses** (8 usbuuc)

·         Continuation Phase INH RIF xadi dhan 90-126 doses** (18 usbuuc) ama saddex wakhti –weegi ah INH and RIF xadi dhan 54 doses (18 usbuuc)

Marxalada labaad

·         Intensive Phase maalin walba INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 14 doses (2 week), ka dib saddex wakhti oo -weekly xadi dhan 18 doses (6 weeks)

·         Continuation Phase saddex wakhti oo weegi ah INH and RIF for 54 doses (18 weeks)

Marxalada sadexaad

·         Intensive Phase saddex wakhti -weekly INH, RIF, PZA, and EMB* xadi dhan 24 doses (8 weeks)

·         Continuation Phase saddex wakhti-weekly INH and RIF xadi dhan 54 doses (18 weeks)

FG:haddii aad hakiso isticmaalka dawada bukaanka waxa waajib ah inuu dib u soo bilaabo dawada kana soo bilaabo marxalada koowaad Bakteeriyada sababta xanuunkan qaaxada ayaa marar ka qaar waxay awood u yeelata inay iska caabiso amaba la qabsato daawooyinkan lagu daweeyo xanuunka taasi oo ah marxalad adag daweynteedu halisteeduna ka badan tahay tii hore daweyn ahaan iyo xanuun ahaan ba waxana marxadaa loo yaqaana Multi Drug Resistance MDR marxaladan dawadeedu waxay qadataa mudo dheer bukaankana waxa lagu karantimeeya meelo loogu talo galay Talo Muhiim ah Waxaa aad u wanaagsan in qofka qaba xanuunkan laga ilaaliyo inuu dhex galo bulshada ama xubnaha qoyskiisa ilaa ay daawadu u dhamaanayso ama uu wado ugu yaraan 2 todobaad. Hadaad isku aragto wax calaamad ah oo muujinaya xanuunkaan fadlan booqo dhakhtar.

Tixraac

https://www.cdc.gov/tb/topic/treatm…

http://www.who.int/features/qa/08/e…

kumar and Clark internal medicine 26 edition

 

Waa Diyaarintii Mohamed Shucayb Ahmed (Marty Mohamed)

COMMENTS