BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland: Sarifka Dolarka oo Gaadhay Halkii Ugu Saraysay iyo Baanka Dhexe oo Gabay Hawshiisii.
January 7, 2017 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Qiimaha Sarifka Dolarka ayaa kor u kacay suuqyadda waawayn ee somaliland iyadoo uu maalmihii u dambeeyay gaadhay halkii ugu saraysay ee uu gaadho.

dolar

sarifka dolarka ayaa maanta suuqyadda ka marayaa boqolkii dolar (840 kun oo shilinka somaliland ah (sideed boqol iyo afartan kun oo shilinka somaliland ah) halkan uu hore u ahaan jiray 700 ilaa 750 kun oo shilinka somaliland ah waxaana maalmihii u dambeeyay uu kor u kacay xadi aan dhawayn kaas oo ah sagaashan kun oo shilinka somaliland ah.

doorkii baanka dhexe ee xadidida qiimaha sarifka ayaa meesha ka baxay waxanaay taasi keentay in sariflayaasha waawayn ee sarifka ka shaqeeyaa ay siday doonaan ka dhigaan qiimaha sarifka ee suuqyadda dalka.

arintan ayaa saamayn wayn ku yeelatay dadwaynaha ku dhaqan dalka gaar ahaan shaqaalaha dawladda iyo dadka danyarta ah.

ilaa hada ma jirto war rasmiya oo ka soo baxay baanka dhexe taas oo uu kaga hadlayo kor u kaca sarifka oo halkii ugu saraysay maraya.

isku soo wada duuboo doorkii baanka dhexe ee xukuumadda somaliland ayaa meesha ka baxay, waxaana xukuumadda looga baahanyahay inay arrimahan degdeg uga hawlgasho si aan xaaladda sicir bararku meel foolxun u gaadhin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS