BALIGUBADLE MEDIA
Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Waddani oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore ee Maamulka Puntland Cabdi Samad Cali Shire (Sawiro)
January 1, 2017 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)ayaa waxaa uu maanta qado sharaf ku maamuusay madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo deegan ahaan ka soo jeeda Somaliland isla markaana muddoyinkii ugu danbeeyey dalka ku sugnaa

ciro1 ciro2ciro3 ciro4Munaasibdan qado sharafta ah ayaa  ka dhacdey Hotel Hiddo – Dhawr ee Caasimadda Hargeysa waxaana ka soo qeyb galay masuulyiinta xisbiga Waddani oo ay ka mid yahiin , musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi , Prof Buubaa , Xildhibaan Talyanle , Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble , Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid , Siyaasi Aadan Dhoola Yare , siyaasi Cali Cantar iyo masuulyiin kale

ciro5 ciro6 ciro7 ciro8

General Cabdisamad Cali waxaa uu hore u ahaa madaxweyne ku xigeenkii xukuumadii Faroole ee maamulka Puntland waxaana uu dhalasho ahaan ka soo jeeda deeganada gobalka Sool.

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.cim

Hargeysa/Somaliland

axmedrooble77@gmail.com

COMMENTS