BALIGUBADLE MEDIA
Mareykanka oo kaga digay muwaadiniintiisa inay u safraan Somaliya
January 12, 2017 - Written by editor

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Somaliya sababo la xiriria dhaq-dhaqaaqyada weli socda ee Al-Shabaab.

markayn

Wasaaradda waxa ay sheegtay in muwaadiniinta Mareykanka ay ka warhayaan halista afduub ee ka jirta guud ahaan Somaliya, oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

Waxay wasaaradda sheegtay in Somaliya aysan ku oolin safaarad Mareykanka oo muwaadniinta caawin karta.

Digniintan cusub ayaa baddeleysa tii wasaaradda ay horey usoo saartay ee ku taariikheysneyd 24 May 2016.

Digniintan ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay halis argagixiso uga jirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo meelaha ay dadka Reer Galbeedka tagaan oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, hoteelada iyo meelaha laga dukaameysto.

Waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay ku safraan meelo ku dhow xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira halista kooxaha burcad badeedda Soomaaliya.

Isha ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS