BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Gambia Jammeh oo wacad ku maray inuu “xilka sii haynayo illaa doorasho laga qabto”
January 12, 2017 - Written by editor

Madaxweynaha dalka Gambia Yaxya Jammeh wuxuu sheegay inuusan is casilidoonin ka hor go’aanka maxkamadda sare ee doorashada lagu muransan yahay.11

Hase yeeshee, lama filaayo in maxkamadda ay go’aan ka garto arrinta illaa bisha May ee sanadkan.

Hadal uu shacabka u jeediyay, madaxweynaha muddada xilka hayay, wuxuu sidoo kale muujiyay arrinta ku saabsan “faragelin dibadda kaga timaado Gambia”.

Ciidamada Senegal oo diyaar u ah inay Jammeh meesha ka saaraan

Dowladda Gambia oo ka baxaysa maxkamadda ICC

Dhexdhexaadiyayaasha gobolka oo Nigeria ay hogaamineyso ayaa la filayaa inay Gambia gaaraan Jimcaha.12

Waxay doonayaan inay ku cadaadiyaan inuu xilka ku wareejiyo Adama Barrow, si Gambia aysan qalalaase siyaasadeed u galin.

Madaxweynaha la doortay Adama Barrow wuxuu sheegay in isbuuca soo socdo loo dhaarindoono xilka.

Mr Jammeh, oo horey u aqbalay in lagaga adkaaday doorashadii December, ayaa dib ka diiday, wuxuuna dacwad u gubiyay maxkamadda sare.

Wuxuu ku doodayaa in natiijooyiinka qaar ka mid ah la badalay, wax isdaba marinna la sameeyay.13

Dalalka galbeedka Afrika oo ka arrinsanaya xaaladda Gambia

Madaxwaynaha Gambia oo qirtay in laga guulaystay

Balse guddiga doorashada wuxuu ku adkeysanayaan in natiijada ay sax tahay, balse ay jireen qaladaad yar.

Adama Barrow oo ah ganacsade ayaa si dirqi ah uga guuleystay madaxweynaha hadda talada haya.

Yaxya Jammeh ayaa jagada qabsaday 1994tii, waxaana lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan an aadanaha.

Laakiin Gambia waxaa ka dheceysay doorasho joogto ah oo lagula tartamay.

Isha ku hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS