BALIGUBADLE MEDIA
Libaaxley waa Baabul mandabka isgaadhsiinta S/Land + Somalia waxbase uguma fila Deg.Boon ee libaaxley ka tarisantahay. Dr.khadar-Libaaxley.
January 10, 2017 - Written by editor

XOG:  War   la  hel-yaaba  tallo  la  hell-yaa!! waa   taayir  ka  mid  ah  taayirada  nolosha  wareejiya/roga  adeegyada  bulshada  loogu   hagar  baxo   ee  isgaadhsiinta ( Telephones + Internet )  iyo  xawaaladaha  lacagaha  ka  ganacsada.

 

Waxa   aan  u  soo  taagnaa  iyada  oo  dalka  oo  dhan  ( fooniye  iyo  adeega  baafinta  kuyuu   iyo  safaf  loo  galo  si  bulshadii  dagaaladii  sokeeye  kala  firdhiyeen  u  wada  xidhiidho ),  wax-yar  uun  ka  dib  1997  waxa  soo  ifbaxay  awooda  dihin  ee  macaash  ee  ku  jirta  suuqa  adeega  isgaadhsiinta ; dadaalo  iyo  tashi  dheer  oo  rag   hawl-carnimo  iyo  tacab  badan   tamar  galiyey  ayaa  waxa  mar-kaliya  isbadaley  in  laga  guuro   hanaankii  isgaadhsiineed  ee   ( fooniyaha )  oo  mudo  dheer  lagu  soo   tanaaday.

 

Waxa  bog-furmay  waa  cusub  iyo  casri  wata   adeegyada  isgaadhsiineed  ee  dhinacyada  badan  leh  ee  muraad-qumiyo  bulshadooyinka ( somaliland + puntland + somalia) adeegyadaasi  oo  ay   haakah  iyo  hab-beel  kula  tanaaday.

 

Adeegyadan  casriga  ah  ee  baahida  iyo  hamuunta  joogtada  ah  loo qabo  waxa  ay  inooga  yimaadaan ( Djabouti )  ( isla  sidaada  signalka  iyo  dhambaalka  sida  adeega  loo  baahanyahey  uga   soo  baxo  khadka  laynka  aan  isticmaalno  ee  lagu  badhaadhay  ee  Djabouti   waxa  ugu  horeyn  soo  danab  qabta  signals  kaasi  biraha  dhaadheer   ee  dulsaaran  silsilada  buuraha  libaaxley  gaar  ahaan  (kuraha  cabdile ) cabdile  celi  ee  ka  tirsan  degmada  Boon  ee  gobolka  Salal   ka  dibna  ay  u  soo  gudbiyaan  somaliland + puntland + somalia ).

MUCDA:  biraha  buuraha  libaaxley   u  dul  yaala  dhamaan  shirkadaha  bixiya  adeegyada  badan  ee  kala  duwan  ee  bulshada  nolosha  u  fududeeyay . biraha  buuraha  libaaxley  shirkadaha  u  saaran  Silsilada  buuraha  libaaxley  waa  ( baabul  mandabka  isgaadhsiinta  somaliland + puntland + somalia)

waa  bar  u-nuga    guusha  macaashka  hantida  badan, daaraha  dhaadheer  ee  magaalo  walba  ka  dhisan   iyo  hindisaha  laaca  guulaha  mustaqalka  dhaw  iyo  ka  fogba.

 

Haynta  iyo  badhaadhaha  shirkadahan  oogadooda  wey  ka  muuqataa  rabi  ha  u  siyaadiyo , hayntoodu  waata   sababtay  in  ay  ka  qayb-qaataan  daryeelka  kaabayaasha  dhaqaale  ee  bulshada,  shirkadahani  waxa  ay  ka  qayb-qaataan  waxtarka  dhisme  iyo  dhaqaaleba  leh  ee  ay  u  fulinayaan  dhamaan  bulshooyinka  iyo  deegaamada  kala  duwan  ee   ( Somaliland + puntiland + somalia).

 

( Hayeeshee  degmada  BOON  oo  saaran  kaabiga  buuraha  libaaxleyda  guulaha  iyo  macaashka  badan   horseeday  ayaa  ka  aradan  oo  ka  awdan  waxtarka  iyo  waxqabadka  ay  shirkadahani   dad  iyo  deegaan  kastaba  oo  dalka  ku  yaal  uga  mudnayd  degmada  BOON.

 

Magaalada  boon  xaqa  iyo  xuquuqda  ay  shirkadahan  kulaheyd   uu  aasanyahey  illaa  maanta, hadii   dadka  deegaanku   wanaag  awgeed   gaabsadeen ;  mulkiilayaasha  iyo  dhamaan  hawl-wadeenada  shirkadahaasi   macaashdoonka  ah  ma’aysan  garan ( abaal  celinta  degmada  boon  iyo  dadka  deegaanku  ku  lahaayeen ).

 

BOON   MAXAY  U  BAAHANTAHAY ?!!!.

 

Qof   shaqo  la  siiyo  iyo  mid  afka  loo   buuxiyo  oo  reer  boon  libaaxley  ah  waa  mahad  illahey  hayeeshee  dan  shakhsiyeedku   nooc  uu  yaheyba  waxa  ka weyn  oo  ka  gada  sareeya  waxa  dadka  wada  deeqa  iyo  danta  guud  ee  dadweynaha  reer  boon  iyo  libaaxley  oo  ay  uga  fadhiyaan   shirkadahan  macaashdoonka  ah  in  ay  wax  ka  taraan  oo  wax  ka  qabtaan  karaankooda  aasaasiyaadka  degmada  boon  u  baahantahey  oo  ah :

dhisme  cusbitaal  oo  degmada  boon  u  baahantahey.

 

Gaadhi   ambalaas   ah  oo  loogu  adeego  dhawr  iyo  tobbanka  tuulo  ee  hoos  yimada   degmada  boon  oo   dhamaantood   ku  wareegsan  qorfaha  silsilada  buuraha  libaaxley.

 

Dhismaha  iskuulka   farsamada  gacanta  iyo  qalabkiisii  oo  ay  wax  ku  bartaan  reer   boon.

 

Dhismaha   saldhiga   booliska   degmada  boon.

 

Dhismaha  sariibad  iyo  saylad  xoolaad.

 

Dayr  lagu  soo  wareejiyo  dugsiyada  hoose/dhexe   iyo  dugsiga  sare.

 

Dhismaha   garoonka  kubada   cagta  .

 

Dhismaha  2  qol  iyo  suuli   loo  sameeyo   ciidanka   istabta  magaalada   boon  jooga.

Gabagabo :-

 

Borama  waa  magaalada  labaad  marka   hargaisa  laga  yimaado  dakhliga  soogala  shirkadaha   telesom ;  somtel  iyo  dahabshiil  muhiimad  weyn  bay  ugu  fadhidaa  guud  ahaan  gobolada  awdal  iyo  salal .

 

Siday   horayba  iskaga  indhatireen  shirkadahani  iyo  kuwa  kale  ee  birohoodu  buuraha  libaaxley  ugu  taagan  yihiin  sabab  macaash  oo  iyaga  dan  u  ah  hayeeshee   macaashkaasi , guulaha  iyo  barwaaqooyinka  ay  gaadheen  shirkadahani  degmada  boon  aaney   la  wadaageyn ( waa  bar  kuma  taal  arintaasi).

 

Waxa  laga   rabaa  shirkadahan   in  ay  wax  buuran  oo  la  arki  karo  ku   soo  celiyaan  degmada  boon  ee  xukunta  libaaxleyda  birahoodu   dul  saaranyihiin  ee  guusha  iyo  badhaadhaha  u  horseeday .

 

Buuraha  Libaaxley   reer  boon   faan  bay  u  tahey ,  shirkadaha  birahoodu  saaranyihiina  faan  bay  u  tahey !!  guul  iyo  badhaadhe   dheeraad  ah  ayaan  indiin  rajaynayaa   dhamaan   shirkada,  farxada  reer  boon  waa  indinka  oo  waxka  qabta  8 da  qodob  ee  kor  ku  xusan  oo   dhamaan  tood  ah  baahiyaad  aasaasiya.

 

Tani   waa   dhambaal  iyo  fariin  ku  sigaar  ah  ugu  socda  maamulka  shirkadaha  birahoodu   buurta  libaaxley   saaranyihiin  ee  degmada  boon ,  maamulkaasi  oo  ah  mid  heer  gobol  waa  gobolka  awdal  iyo  maamulka  guud  ee  shirkadahaasi  xarumahoodu  yihiin  ( Borama  iyo Hargaisa ).

Dr.khadar-Libaaxley

gargorey4@gmail.com

Dr.khadar05@mail.com

baligubedle masuul kama aha aragtida dadweynaha

COMMENTS