BALIGUBADLE MEDIA
Ka Dar Oo Dibi Dhal ” Wasiir Cadaani Oohintii Ma Waa La I Dilaaya Ayuu Ku Darsaday”
January 4, 2017 - Written by editor

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda” Hadaynaan Karin iskaga guurin Goroyo Heeryaysanina waa inagu soo mari” Walee hadaan Cadaani Madaxweyne Siilaanyo meeshii laga soo tarxiilay inaga celin in looma fadhido inagaga soo bixi.

Dhawaan ayay ahayd markii Radio gii qaranka uu Cadaani oo Wasiirkii Warfaafintii dadka uga soo baahiyay War uu ku sheegay in uu ka helay meelaha bulshada kuwada xidhiidho waliba kuwooda dhalinyarada ahi ay fariimaha haasawaha iskugu diraan isagoo ku sheegay in 2 nin oo halka fariimo iskugu gudbinayay ay yiraahdeen Cadaani ha la dilo

-          Hadda ogaw whatsapp iyo wixii la mid ah ma noqdaan wax ninweyn oo wasiir ahi reference ka dhigto isagoo Idaacad

CADAANI

qaran war ka sii daynaya

-          Ka sii darane waxaan arkayay isagoo dad uu abaabulay leeyihiin reer hebelow waxaasi inoomay dhaxayn ee maxaa wasiirka loo dilayaa

Haddaba waxa looma fadhido ah in Cadaani oohintii ku darsaday fulaynimo, waxayse is weydiintu tahay in ayuu soconaya filimkan uu cadaani u jilayo madaxtooyada iyo xisbiga kulmiye ee ah in aan debeda loo saarin maadama oo uu tolkii dilayo Kulmiye oo uu la socdo dartii, mase qiimeeyay dhaawac qof ahaan iyo siyaasad ahaanba arinkani ku keenayo isaga laftiisa, muxuu se Cadaani Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi u tarayaa kol hadii uu leeyahay tolkay ayaa I dilaya oo aan ka baqaya.

Gabagabadii Wasiir Cadaani ha ogaado in Oday Muuse ilaa Qaaxo ahaa oo uu fahmayo filimaanta cadaani ee ah meel  aan qabto garan maayo oo adaa laygu kaa dilaaya.

ALLAA MAHADLE

By Cartan Maxamed Jaamac

Cartan Maxamed <cartangolongol@gmail.com

COMMENTS