BALIGUBADLE MEDIA
Jawaari oo mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya + Tirada Codadka Uu Helay Iyo Cida La Tartamaysay.
January 11, 2017 - Written by editor

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa mar kale loogu doortay xilkaasi doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, sida uu ku dhawaaqay guddoonka ku meel gaadhka ah ee baarlamaanka Cusmaan Boqore.jawaari(3)
290 xildhibaan ayaa codeysay wuxuuna Jawaari helay 141 cod, taasoo ka dhigan inaan loo baahan wareeg labaad maadama uu helay seddax meelood laba meel codadkii la dhiibtay.
Musharraxa ku soo xigay ayaa noqday Cabdirishiid Xidig oo helay 97 cod. Guddoomiyaha dib loo doortay Jawaari ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashada.
Musharrixiinta laga guuleystay ayaa qirtay guul-darrada.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in beri ay dhacdo doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka.
Musharaxiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waday olole xoogan ay ku doonayaan sidii ay ugu guuleeysan lahaayeen Kursigan.

Waxaa doorashada kula tartmayay Jawaari Cabdirashiid Xidig,Cabdifitaah Geesey iyo Idriis
Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay soo doortaan madaxweyne isbuucyada soo socdo.
Isha Ku Hay Baligubadle Media

COMMENTS